Hargeysa, Somaliland, November 28, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi)-Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa shalay olole balaadhan ka bilaabay degmadda 26 june ee magaaladda Hargeysa, gaar ahaan jidka boqolka iyo kontonka.
Maayarka Caasimadda Hargeysa, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa bulshadda ugu baaqay inay ka qaybqaataan nadaafadda deegaanka, isla markaana deegaan kasta uu ku dadaallo nadiifinta deegaankoodda.
Ololahan nadaafadda ayaa shalay ka bilaabantay xaafadda boqol iyo konton ee degmadda 26 juun iyo gacan libaax, taas oo dawladda hoose ka gurtay gaadiid iyo qashin is barkan oo la dhigay qaybta badhtanka ah ee labadda haad ee jidkaasi u dhexeysa.
Ugu horeyn agaasimaha arrimaha bulshadda ee dawladda hoose Khadar Yuusuf waxaanu hadalkaasi ku bilaabay “Olole baladhan ayaanu maanta ka bilownay wadadda boqol iyo kontonka, waxaana jirta in caaddo laga dhigto waddada u dhexeysa gaadiid la dhigto iyo qashin lagu ururiyo, waxa kale oo jirta in laga ganacsaddo labadda haad dhexdoodda, waxaana ololahaasi ka soo bilownay gacan libaax waxaana ku socona 26 june iyo koodbuur, waxaana marka aanu qashinka dhamayno qorshaynaynaa in aanu qurxino isla markaana u samayno bilicdii”
“Ololahan wuxuu noqon doonna mid joogto ah oo kolba degmo beegsano, isla markaana waxa noo qorshe ah in aanu magaaladda ka nadiifino qashinka korna u qaadno nadaafadeedda”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Maayarka Caasimadda Hargeysa, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltolko), ayaa sheegay in bil kasta olole sidan oo kale ah lagu samayn doono degmooyinka magaaladda Hargeysa, isla markaana shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawladda hoose si nadaafadda loo ilaaliyo.
Maayarka Caasimadda Hargeysa oo ololahan ka hadlaya waxa uu yidhi “maanta oo ay tahay maalin khamiis ah oo bishu tahay 27, waxaa u asteynay in maalin olole nadaafadeed noo ahaato, taas oo degmo kasta ka qaban doonno, iyadoo guddidii madaxweynuhu u xilsaaray quruxda magaaladda iyo dadweyjnuhu iska kaashan doonno, waxaana ku bilownay wadadan kow iy kontonka, nasiibdaro dadka xaafadan degan qaybtii dhexe ee wadadda ee aan weli la samayn waxay ka dhigeen goob qashin qub ah iyo goob gaadiidka la dhigto, sidoo kale waxa laga dhigay goob saliida gaadiidka lagu dhubo, saliidda baabuurka waxan leeyahay ha ku shubina dhulka oo waxaan keeni doonaa taangiyo lagu shubo waayo meesha lagu shubaa waxay dhulka ku samaysa nabaad guur, wadada laga samayn Karin, qofku haddii uu nadaafad ka qaybgallin cid wax ka qaban karta ma jirto, qashinka saara gaadiidka oo khidmadda yar iska bixiya si magaaladdu nadiif u noqoto, waxaan leeyahay dadweynuhu dhamaanteen nadaafadda aynu ka wada shaqayno oo cashuurta bixiya”.