Hargeysa (CH)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah u sameeyey masuuliyiin xilal cul culus uga soo qabtay Xukuumada Siilaanyo, Xukuumadii hore ee Daahir Rayaale, Aqoonyahan, Haween,
Munaasibaddan oo si heer sare ah loo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel-ka Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxaana siyaasiyiinta loo qabtay ee ku biiray Waddani ka mid ahaa Wasiirradii hore ee Xukuumadda Siilaanyo ugu magacownaa Wasaaradaha Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Caafimaadka Xuseen-xoog, Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) iyo Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Yare iyo masuuliyiin kale.
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA