Hargeysa (CH)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ahaa Siyaasiyiin saaka ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen Siyaasiyiinta Haakah Ma-sugayaasha ah ee Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa ka tirsanaan jiray, balse maanta ay si rasmi ah ugu biireen WADDANI, iyaga iyo Taageerayaashooduba.
Boobe waxa uu sheegay inay ka mid yihiin dadka ka khatoobay ama khaatiga iska taagay wax uu ugu yeedhay Filimada Musalsalka ah ee ay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE soo celceliyeen sida uu hadalka u dhigay, isla markaana maalinna la odhanayo Madaxweynuhu wuu sharraxan yahay, maalinna la odhanayo Madaxweynuhu ma sharraxna, taasoo uu siyaasad-xumo iyo qorshe la’aan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE hadheeyey.
Mujaahid Boobe Waxa uu sheegay in isaga iyo inta ku Biirtay Xisbiga waddani ay yihiin koox doonaysa inay ka midho dhaliyaan Himilo fog oo ku qottonta khibrad iyo cilmi loogu sahan tegayo Bulshada reer Somaliland oo uu ku sheegay mid u baatan isbeddel dhab ah.
Halkan ka dhegayso