Shirkaddaha Shiidaalka Rak-Gas iyo Ansan Oo Laa Filayo Somaliland Shaqadodi Bilaaban 2015

0
362

Hargeysa, Somaliland November 26, 2014 (Codka Hargeysa / GNN) Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng.: Xuseen Cali Ducaale oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradaas Siciid Axmed Jibriil iyo Agaasimaha Waaxda Macdanta Ibraahim Shiine ayaa toddobaadkan magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta shirar kala duwan kula yeeshay Madaxda saddexda Shirkadood ee shiidaal qodista ee kala ah DNO, Rakgas iyo ANSAN, kuwaas oo xarumo waaweyn ku leh Dalkaasi.

Masuuliyiinta wasaaradda Macdanta iyo Madaxda Shirkaddaha Shiidaalka ee kulmay ayaa ka wadahadlay halka ay marayaan hawlaha shiidaal baadhista ee ay Heshiiska ku galeen maadaama sanadka 2014 uu gabogabo yahay, sidoo kale waxay diiradda wada saareen yoolka hawlaha ay fulin doonaan sanadka cusub ee 2015-ka.

Kulamada dhex maray Wasaaradda Macdanta iyo shirkaddaha shiidaalka ayaa la sheegay in la iskula qaatay in sanadka cusub shirkadduhu bilaabaan hawlaha shiidaal baadhista gaar ahaan meelaha diyaarka u ah in hawsha laga fulin karo ee ay shirkadahaasi Heshiiska ku galeen.

Sidoo kale, waxa la iskula soo qaaday sidii ay labada shirkadood ee Rakgas iyo ANSAN ay Dalka usoo degi lahaayeen, maadaama ay shirkadda DNO-ba ay Xafiis laga maamulo hawlaheeda shaqo uga furan yahay Hargeysa, waxaanay balanqaadeen inay sanadka cusub albaabada u furi doonaan laba Xafiis oo ay Hargeysa ku yeelan doonaan.

Shirkadda Rakgas ee haysata Ogolaanshaha Shiidaal qodista ee Block-yada 5 iyo 9 ee deegaanka Berbera ayaa la filayaa inay hawsha shiidaal baadhista dhakhso u bilaabaan maadaama Gobolka Saaxil ka mid yahay deegaanada Somaliland ee ugu nabdoon isla markaana ku yaala Ubucda Dalka Somaliland, halka ay Xukuumadda Somaliland ugu diyaar garoobayso inay shirkaddaha kale ee DNO oo haysata Block 18 iyo shirkadda kale ANSAN oo haysata Block-yada 7-badhkii, 14 iyo 19 ay u diyaariso adeegyadda kaga xidha inay shaqada Ceelashaasi bilaabaan.

Isla safarka Madaxda Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ugu baxeen dibeda waxa u suurtogashay inay booqdaan Shirkaddaha Shiidaalka iyo Macdanta ee Dalka Congo (Democratic Republic of Congo) halkaas oo ay ka soo korodhsadeen isla markaana ku soo Indho indheeyeen qaabka ay u maamulaan iyo Tacriifadaha dhinaca cashuuraha ee shiidaalkooda iyo Khayraadka kale ee ay Qaniga ku yihiin.

Safarkaas oo ay ka qayb qaateen wasiirka wasaaradda iyo Agaasime waaxeedka Macdanta ee wasaaradda Macdantu waxa uu qaatay dhawr maalmood, waxaanay labada masuulba shalay dib ugu soo noqdeen dalka.