Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid isaga oo ku hadlaya magaca golaha deegaanka Hargeysa iyo kan shacbiga caasimaddaba waxaa uu Tacsi u Dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Qoyskiisa, Qaraabadiisa iyo guud ahaan-ba Shacbiweynaha reer Somaliland Geerida ku Timi Allaha U Naxariistee Marxuum; Jaamac Maxamed Maxamuud “Jaamac Bureeqa” oo ay Wallaalo ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Marxuumku waxa uu habeen hore ku Geeriyooday Magaalada Liverpool ee Carriga Ingriiska, Waxaanu Maayarku Alle uga Baryayaa in uu Naxariistii Jano ka Waraabiyo , dhamaan Eheladii iyo Qarabadii uu ka baxayna Samir iyo Badel ka Siiyo.. Amiin Amiin. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN