Hargeysa, Somaliland, November 25, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi)- Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa shalay hawlgal balaadhan oo ay qashinka kaga gurayso Dooxa weyn ka fulisay magaaladda Hargeysa.
Hawlgalkan oo u hogaaminayey Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka waantoobaan qashinka ay Dooxyadda ku shubayaan iyo Dhirtii oo Duugtu ku gaban jireena ka jaray.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa dadweynaha usoo jeediyey in qashinka u dhiibaan gaadiidka Qashinka ka gura xaafadaha balse aanay dooxyadda biyuhu marayaan ku soo shubin.
Maayarka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaanu maanta Dooxa Hargeysa ka bilownay olole aanu ku nadiifinayo oo aanu kaga gurayno qashinka lagu guray kuna balaadhinayno, anaga ka gurayna geeddo ay tuugtu ku dhuuman jirtay. Dooxu wuxu dhibaato ku qabaa qashinka lagu shubayo oo biyihii marayey kolba dhinac u leexanayaan oo qashinka gadiidka qashinka gura u dhiiba oo khidmadana iska bixiya”
Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ hawlgalkani wuxuu socon doonna saddex cisho waxaana ka bilownay Cawaale Jawaan illaa Beerta Sayidka, taas oo si fiican uga hawlgali doono in qashinka ka guro dadku ku shubayaan”.
Dhinaca kale, Maamulka Dawladda hoose ayaa xoolihii ay ka soo ururiyeen magaaladda dhexdeedda ee ay hore u ganaaxeen dadkii lahaana soo doonan waayey u qashay dadka ku jira cisbitaalka dhimirka, waxaana halkaasi ka hadlay xildhibaanadda golaha deegaanka ee Arrimaha Bulshadda iyo agaasimaha arrimaha bulshadda.
Laba ka mid ah Lo’da magaaladda ku nool oo dadkii lahaa ka dhego adeegeen inay amaawiirtii iyo ganaaxyaddii lagu soo rogay fuliyaan ayaa loo qalay dadka xanuunka dhimirka ahi qabo ee ku jira cisbitaaladda hargeysa, waxaanay dadweynah xoolaha ku dhex haysta magaaladda uga digeen in aan la ogolaan doonin in wax xoollo ah lagu haysto magaaladda dhexdeedda.