Ceel-Afweyn: Arday Is Dhaawacday Iyo Rabshad Ka Aloosantay

0
378

Ceel Afweyn, Somaliland, November 25, 2014, (Codka Hargeysa / Saxafi) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afweyn ayaa sheegaya in goor dhoweyd dhagax tuur ka dhex bilawday qaar kamid ah xaafadaha magaaladaas. Kaddib markii shalay galinkii hore laba arday oo wax ka barta dugsiyada sarre ee Ceel Afweyn Dhaawac culus isu gaysteen.

Waxa shalay dhaawac culusi soo gaadhay Cabdiqani Axmed Raage oo ka mid ah ardayda dhigata Dugsiga sare ee Ceelafweyn Secondry School ka dib markii mid ka mida ardayda dhigata dugsigaasi oo ayna isku fasal yihiin tooray(mindi ) dhawr meelood kaga dhuftay, dhaawaca Cabdiqani ayaa loola soo cararay magaaladda Burco ka dib markii xaaladiisa caafimaad waxba lagaga qaban kari waayay gudaha magaalada Ceelafweyn.

Dhaawaca Araygan ayaa warku sheegay inuu keenay dhagax-tuur xoogan, balse warku ma tilmaamin wax dhibaato ah oo ka dhashay, Boliiska ayaa ku dhex jira daminta xaaladdan iyagoo mararka qaarkood rasaas ay cirka u ridayaan adeegsaday si ay ugu kala didiyaan dumarrada iyo carruuraha shiidku dhex maray.

Odayaasha deegaankaas ayaa iyaguna fadhiga uga kacay sidii loo xakamayn lahaa rabshadahan soo noqnoqonaya ee dhex maraya bulshada walaalaha ah ee isku magaalada ku wada nool.
“Arrintu waa ciyaallo is laayey iyo waxaas haddeerna wax weyni ma jiraan boliiskuna xaafadaha is shiidaya waa ku dhex jiraan waana la dedaalayaa”. Sidaas waxa yidhi Saleebaan Yuusuf Diiriye ku sugan magaalada Ceel-afweyn.