Warbixin daboolka ka qaadday Korodhka Markaakiibta Isaga kala gooshta Badaha Adduunka iyo Saamaynta ay ku yeelatay Somaliland iyo Soomaaliya

0
278

Hargeysa, Somaliland November 24, 2014 (Codka Hargeysa) – Maraakiibta isaga kala goosha Badaha adduunka, ayaa si xawli ah u kordhay labaatankii sanno ee u dambeeyey, kuwaas oo sababay wasakhow dhinaca Cimiladaha ah ku keenay safarka badaha waaweyn ee adduunka, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Jariiradda Geophysical Research oo arrintan si qoto-dheer ugu kuur-gashay.
Waxa ay warbixintu intaa ku dartay inay sii kordhayso saamaynta nolosha iyo dabeecadda gaar ahaan Cimillada ay ku keenayso oo khubarada dhinaca Deegaanka ku takhasusay ka digeen Halista ka dhalan karta.
Meelaha ay saamaynta taban ku yeelatay isbeddelka dhinaca dabeecadda ee korodhka gaadiidku ku yeeshay badda, waxa ka mid ah Xeebaha Somaliland iyo Somalia oo sida warbixinta lagu sheegay ay saamaysay Isticmaalka Maraakiibta kaga yimi Aafada Budhcad-badeedda oo sannadkii 2006-dii ka hana-qaaday xeebaha badweynta Hindiya, taas oo meesha ka saartay ama yaraysay isu-socodkii Maraakiibta Xamuulka qaada ee adeegsan jiray.
Badwaynta Hindiya oo ay ku yaallaan marinnada ugu mashquulka badan ee maraakiibta Adduunku isticmaasho, waxa 20-kii sanno ee u dambeeyey boqolkiiba 300 kordhay Isu-socodka Maraakiibta isaga gudubta, sida ay sheegayso warbixintan oo laga diyaariyey xogo, macluumaad iyo daraasado ay sameeyeen khuro ku xeel-dheer deegaanka, shirkadaha Caymiska iyo hay’ado ku shaqo leh diiwaanka ganacsiga isaga kala goosha badaha adduunka.
Korodhka ku yimi isticmaalka badaha, gaar ahaan badweynta Hindiya iyo Atlantic-ga labaatankii sanno ee u dambeeyey, ayaa warbixintu sheegtay inay sababeen wasakhow hawada ku yimi, waxaana meelaha ugu daran ee laga xusay ka mid ah Marinka ganacsiga ee u dhexeeya waddamada Srilanka, Shiinaha iyo Jasiiradda Sumatra oo ka tirsan waddanka Indoonisiya, kaas oo ah marin ugu mashquulka badan ee maraakiibta isticmaasha badweynta Hindiya.
Samaynta ay maraakiibtasi ku yeelanayso hawada marka loo eego dhanka wasakhaynta (Pollution) oo ku dhow wadamada Sri Lanka, Sumatra iyo China oo inta badan mariinka maraakiibta uu maaro, waxana khubaro badhayaal ah ay xaaqijiyeen inka badan %50 koor uu qaadayso kamikaddaa nitrogen dioxide oo ah wasakhaynta hawada caadiga ah oo koor uu kacay 20 sanadod uu dambeyee.
Waxaanay Warbixinta oo soo xiganaysa xog-ururin ay sameeyeen cilmi-baadhayaal u kuur-galay isbeddelka ku yimi, ay sheegtay in muddadaas 20-ka sanno ah boqolkiiba 50 kor u kacay heerka curiyeyaasha keena Wasakhowga hawada oo ay ka mid tahay maaddada loo yaqaano Nitrogen Dioxide.