Boorama, Somaliland, November 24, 2014, (Codka Hargeysa / Saxafi) – Maamulka Golaha deegaanka oo u horkacayo maayarka magaaladu ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada lagu burburiyay dhismayaal sharci darro ah, laguna soo xidhxidhay xildhibaanno ka tirsan golahaasi oo lagu xidhiidhiyey faldembiyeedyo ka dhan ah hawlaha golahaasi iyo amniga.
Sida uu ku soo waramay Wariyaha Wargeyska Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar hawlgaladan oo ay ka qayb qaateen qaar ka mid ah hawl-wadeenadda golahaasi, shaqaalaha dawladda Hoose, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa Sabtidii dumiyay dhismayaal sharci darro ah oo laga fuliyey qaar ka mid ah wadooyinka halbawlaha u ah magaaladaas. Dhismayaashan ayaa la wariyay in halkaasi laga fuliyay intii uu Maayarka magaalada Boorama Saleebaan Xassan Xaddi uu debedda ugu maqnaa hawlo la xidhiidha shaqada Golahaasi.
Sida wararku sheegayo hawl-galadan ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo xubnoka tirsan xildhibaanada golahaasi ,laguna eedeeyey inay xaalad ammaan darro ah ka bilaabeen dhismayaasha la burburinayay isla markaana, maleesiyo beeleedyo u adeegsadeen sidii loo carqaladayn lahaa burburinta dhismayaashaasi, halka warar kalena sheegayaan in xildhibaan ka mid ah lagu xidhay ka dib markii uu gaadiid ay saarraayeen shaqaalaha dawladda Hoose la beegsaday gaadhi u watay kuna dhuftay, khatarna geliyay ammaanka shaqaalahii saarraa gaadhiga la duqeeyay.
Dhismayaashan la burburiyey iyo kuwa kale oo la sheegay inay daba socdaan hawlgalkan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee intii golahaasi jiray lagu fulliyo dhismayaasha sharci darrada ah ee soo galay jidadka, badankoodana waxaa laga fuliyay deegaannada ku dhaw madaarka Boorama iyo badhtamaha magaalada Boorama, Iyadoo dhinaca kale maayarka Boorama iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golahaasiba ku hawllanyihiin daba-galka wixii golahaasi ka dhacay iyo dhulka sharci darrada lagu dhisay intii Maayarka Boorama socdaalka hawleed debedda ugu maqnaa.