Wajaale, Somaliland, November 24, 2014(Codka Hargeysa / Saxafi) – Dhul-gariir ayaa xalay abaaro 90:45-habeenimo ka dhacay magaalooyinka Boorama iyo Tog-Wajaale.
Magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa wararka qaar sheegeen inuu ku xooganaa, iyadoo Shacab-weynaha ku dhaqan Magaaladaasi la wariyay inay la soo daristay cabsi,kadib markii alaabtii dukaamada iyo meheraduhu luxmeen.
Sidaa waxa saxaafada u xaqiijiyay dad ku sugaan Magaalada Wajaale,balse ma sheegin wax khasaare ah oo uu geystay. “Waxa caawa (xalay)abaaro9:45-habeenimo ka dhacay Magaalada Wajaale dhul-gariir xoogan oo si weyn loo dareemay,iyada oo sida baabuurka oo kale uu u guuxayay,weli maan arag dhul-gariir noocan oo kale ah”.Ayuu yidhi mid ka mida dadka ku dhaqan Magaalada Wajaale. Sidoo kale, dad nagala soo xidhiidhay magaalada Kalabaydh oo u dhaxaysa Gabiley iyo Wajaalle ayaa la tilmaamay inay dareemeen dhulgariirkan.
Waa markii ugu horeysay ee dhul-gariir ka dhaco Magaalada Tog wajaale ee ka tirsan Gobolka Gabiley. Hase ahaatee, waxaa dhowr jeer oo hore laga dareemay magaaladda Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.