Al – Shabaab Oo Sheegtay Inay Kenya Gudaheedda Ku Laysay 28 Qof Oo Rakaab Ah

0
319

Nairobi, Kenya, November 23, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi)– Kooxda Al shabaab ayaa gudaha dalka Kenya ku dishay 28-qof; kaddib markii ay weerar ku qaadeen bas marayay deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu dilay 28-ka qof ee Kenyan ah, kaas oo ka dhacay duleedka Mandhera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyadoo dadkan ay ka mid ahaayeen rakaab la socday bas u socday Nairobi.

War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa lagu sheegay in weerarkaas  ay u sameeyeen si ay ugu aargoostaan dhibaatada dadka muslimiinta ah loogu geysanayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegay in 28 qof weerarkaas lagu dilay, iyadoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo dadkii buska saarnaa intooda badan ay ahaayeen macallimiin wax ka dhiga iskuullada magaalada Nairobi.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dabley soddomeeyo qof ku dhow oo aad u hubeysan, kuwaasoo dadkii saarnaa gaadhiga ay kala sooceen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimka ahayn, iyadoo rakaabka ka dalbanayay inay aayadaha Qur’aanka Akhriyaan.

Xoogaggii weerarka geystay oo Al-shabaab ka tirsanaa ayaa la sheegay inay si nabad-galyo ah uga tageen goobtii ay dilalka ka geysteen, iyadoo uu ka mid noqonayo weerarkan kuwii ugu xumaa ee sannadkan ay Al-shabaab ka geysato gudaha dalka Kenya.

Ciidamo fara badan oo Kenyan ah ayaa la soo dhoobay deegaanka Cumar Jilico uu falkan ka dhacay, kaasoo 30-km dhanka bari ka xiga Mandhera oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Kenya oo ka hadashay weerarkan ayaa ku tilmaantay weerarkan mid lagu dilay dad aan waxba galabsan oo u badan macallimiin, iyagoo ku daray intaas in dad aad u yar oo rakaabkii ka tirsanaa ay ka badbaadeen.

Shirkadda gaadiidkan lahayd ayaa sheegtay inay baskaasi saarnaa 59 qof, kuwaas oo ku jira liiska tikidhada dadka raacay, haseyeeshee ay qayb ka mid ahi badbaadeen.