Hargeysa, Somaliland, November 21, 2014, (Saxafi / Codka Hargeysa) Taliyaha Waaxda Socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Cali Yuusuf ayaa shalay kormeer ka dhan ah Tahriibayaasha sharci daradda ku soo gala Somaliland ku maray Qaybo ka mid ah deegaanadda uu marro Xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo dalka Ethiopia.
Taliyaha Waaxda Socdaalka oo xalay wargeyska Saxafi la xidhiidhay isaga oo ku suggan magaalada Wajaalle ayaa waxaa uu sheegay in hawl-galkani yahay mid lagu sugayo amaanka guud. Islamarkaana lagaga hortagayo Tahriibayaasha, “Kormeerkan waxaa aanu ku soo maray Xuduudka, waxanu ka soo bilownay Faraweyne, Alaybaday, Geedbalaadh, Wajaale ilaa Gorayacawl, waxaananu caawa u hoyanay Wajaalle. Ka dib markii aanu Xafiis waaxda socdaalka ah ka furray degmadda Allay-baday, kaasoo maamuli doona jeedaas. Sidoo kale waxaana aanu kullamo la yeelanay madaxda dawlada iyo waxgaradka deegaankaas oo warbixinna siiyay ” ayuu yidhi Taliyuhu, isaga oo ka jawaabaya su’aal aanu ka weydiinay ujeeddada hawlgalkan waxaa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Ujeedada hawshani waxaa ay ka mid tahay hawl-galada caadiga ah ee aanu sameyno. Waxaanan kaga hortagaynaa Tahriibayaasha sharci daradda ah ee dalka soo galaya oo muddooyinkan danbe aad u kordhay.”
Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland waxaa uu tilmaamay in waddamada Gobolku dhawaan shir ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia heshiis kaga gaadheen in laga wadda qayb-qaato oo la iska kaashado socdaalka Sharci daradda ah. “Shirkaasi waxaa uu socday 28-kii ilaa 29¸bishii hore. Qoladda waaxda Socdaalka ee Ethiopia-na maanta lafteedda waanu is aragnay. Waxaana aanu isla qaadanay in la iska kaashado tahriibtan.”
Dhinaca kale, Taliyaha Waaxda Socdaalku waxaa uu digniin culus u diray gaadiidleyda iyo mukhalasiin uu sheegay inay ka ganacsadaan Tahriibinta dadka, kuwaasoo uu sheegay inay cidii lagu qabto Maxkamad horgayn doonaan. Waxaana uu shacbi weynaha ugu baaqay inay kala shaqeeyaan oo ciidamada ku taageeraan gudashada waajibaadkan.