Hargeysa, Somaliland November 21, 2014 (Codka Hargeysa) – Gudomiyaha ururka xuquuqal insanka Ee Geeska Axmed Yuusuf Xuseen ayaa, Cambaareeyey Xadhiga xukuumadda Siilaanyo kula kacaday Xoghayihii Golaha wakiilada C/risaaq siciid ayaanle, Sheekh Ismaaciil Maxamed Ciise (Sheekhal baladka ) C/raxmaan Xasan Aaden Gudoomiyaha Ururka Jiidali, Aqooyahan Jaamac jiir, Xasan Goodaad xoghayihii Xisbiga Wadani ee Xanaanada xoolaha iyo Cali Maxamed Ibraahin Liqoo.
Wuxu gudoomiyuhu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey saxaafada qaybaheeda kale duwan, isagu gudoomiye Axmed wuxuu sheegay in xukuumada siilaanyo meel kaga dhacaday xuquuqdii muwaadiniinta reer somliland uu siiyey dastuurka dalku isle markaana ay dadkaasi u xidhan yihiin arimo siyaasadeed. Warsaxafadeedka gudomiyaha ururka Xuquqal Insaanka Geeska uu dhigna sidan:
” hadii aanu nahay ururka Xuquuqal Aadamaha ee Geeska waxaanu Cambaaraynaynaa xadhigya ee sidaa sharci-darada ah ee baryahan dambe xukuumad Madaxweyne Axmed Siilaanyo kula kacayso muwaadiniinta. waxaa dadkani lagu xidhay arimo siyaasadeed iyadoo lagu eedaynaayo xisbi hebel baad lasocota, waxaanu leenahay qofkastaa waxa uu xaaq uu leeyahay fikirkiisa inuu cabiro.
Xukuumadu waxay meel kaga dhacday nidaamki dimuqraadiyada ee dalka ay ka mid tahay xoriyaatul qowlka Saxaafada iyo aragtida ama fikir bulshadda. Waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa inay xoriyadooda u soo celiso dadkaasi ay ku xidhay arimaha siyaasadda iyo xoriyatul qawlka, hadii kale talaabadaasi waxay meelka dhac ku tahay qaranimadda iyo dasturka dalka” wa bilaahi towfiiq.