Turkiga Oo Shirka Denmark Ku Soo Qaaday Wada-Hadalada Somaliland Iyo Somalia

0
310

Xukuumadda Somaliland Iyo Madaxweynaha Somalia Oo Ka Hadlay Wada-Hadaladii U Dhexeeyay Labada Dal

-Beesha Caalamku Oo Ku Kala Qaybsan Khilaafka Soomaaliya Ka Oogan Iyo Xalka?

SOMALIA

Copenhagen, November, 20, 2014,  (Reuters/Saxafi) – Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Naci Koru ayaa sheegay in dalkiisu ku faraxnsanyahay heerka uu marayo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyaa, isaga oo amaan gaar ah u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wasiir ku xigeenkani oo ka hadlayay shir laba maalmood soconaya oo Caasimada Denmark ee Copenhagen loogu qabtay Soomaalida. Halka xukuumadda Somaliland ay sheegtay inaanay shirkaas ka qayb-galayn, isla markaana ay beesha Caalamka ee shirkaas ka qayb-galay ugu baaqday inay taageeraan wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Shirkan oo loo bixiyay hiigsiga cusub ee Soomaaliya, isla markaana doorka Qaramadda midoobay oo dabada ka riixaysa marka laga yimaado ay marti galisay dawladda Denmark ayaa waxaa Wasiir ku xigeenkan Turkiga ah oo hadal ka jeediyay ku dooday in Soomaaliya horumar la taaban karro samaysay labadii sanadood ee laga soo gudbay haddii ay tahay buu yidhi dhismaha nidaamka Federaalka ah ee ay la doonayaan Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo amaanka, waxaana uu ku dooday inay ku faraxsanyihiin ayna dhiirigalinayaan.”Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee la aqoonsanyahay…waxaa ay Soomaali oo dhami rajaynaysaa inuu u xuubsiiban doono heerka cusub. Soomaaliyana labadii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa ay ku soo jirtay marxalad dhiiri galin inoo ah. Waxaana hanbalyo mudan doorka hoggaamineed ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo walaalaheena wiilal iyo gabdho ba leh. Turki ahaan waan sii wadaynaa taageerada Soomaaliya” Ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka Turkigu, waxaana uu intaas ku daray oo uu Soomaalida ka dalbaday inay sii waddaan dedaalkoodda Xasilinta Soomaaliya, Nidaamka Axsaabta badan iyo horumarka loogu guurayo.

con6-640x426-400x266

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland oo hore u sheegtay inaanay shirkan ka qayb-galayn ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saartay mar kale ku celisay inaanay shirkaas ka Somaliland ahaan ka qayb-galayn, balse waxay dawladda Denmark ku bogaadisay inay kulankan ay marti-gelinayso, kaas oo ay ku tilmmaamay mid ay dhiiri-gelinaya in horumar laga gaadho deganaanshaha iyo nabadgelyada Somalia.

“Xukuumadda Somaliland waxay dawladda Denmark ku bogaadinaysaa marti-gelinta shirkan dib loogu eegayo horumarka deganaanshaha iyo nabadgelyada Somalia, annagoo diiradda saarayna xaaladda gaarka u ah Somaliland ee looga qoondeeyay qorshaha guud taageerada Soomaalida,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xukuummadda Somaliland.

“Waxa kale oo ay xukuumadda Somaliland ka-qayb-galayaasha heerka wasiirada ah ee shirkan ka qayb-gelaya in beesha caalamku doorweyn ka qaadato taageerada wada-hadalada Somaliland iyo Somalia oo ay haatan marti-gelinayso dawladda Turkigu” ayaa sidoo kale war-saxaafadeed ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay Copenhagen lagu sheegay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga ay warbaahintu wax ka weydiisay wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa sheegay inaanay wada-hadaladaasi istaagin, isagoo xusay inay ku rajo-weyn yihiin inay wada-hadaladaasi noqdaan kuwo midho-dhal ah.

Waxa isna ka hadlay mar sual laa waydiyee madaxweynha Soomaaliya wada hadalada uu socda Somaliland iyo Soomaaliya uu socdaa, waxana uu sheegay madaxweyna xasan sheikh maxamud inn dhowaan ay wada hadaladasi inn uu filayoo inn ay midho dhalin donan.

Dhinaca kalle, shirkan shalay magaalada Copenhagen ayaa lagu soo qaaday khilaafka u dhexeeya madaxda Soomaaliya, iyadoo wakiillada beesha caalamka ay ku soo bandhigeen shirka aragtiyadooda ku aaddan khilaafkan oo ay muujiyeen inay ku kala qaybsan yihiin.

Ururka Midowga Afrika iyo urur-goboleedka Geeska Afrika ee IGAD ayaa soo jeediyay in khilaafka lagu xalliyo hab cadaaladeed dastuuri ah, loona ogolaado madaxda Somalia inay ku kala baxaan shuruucda u taala Somalia.

Midowga Afrika iyo IGAD oo ay u hadleen wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya & Kenya ayaa shirka ka sheegay inay kulan hordhac ah oo ay yeesheen intii aanu shirku furmin ay iskula garteen in xallinta khilaafka siyaasadeed ee Somalia loo daayo Soomaalida, laguna xalliyo sida ay qabaan shuruucda dalkaasi leeyahay.

Balse, wakiillo u hadlay ururka Midowga Yurub ayaa iyaguna arrintaas kasoo horjeestay iyagoo soo jeediyay in madaxda dawladda Somalia ay wada-shaqeeyaan si ujeeddooyinka beesha caalamku ka rabto dalkaas loo gaadho sanadka 2016. In kasta oo ay markii hore soo baxday xog muujisay in dawlada Maraykanka iyo Turkugu ay arragti ahaan waddamada kale ee midawga yurub isaga dhow yihiin marka ay timaado arrinta Soomaaliya,. Haddana madaxda meesha ka hadashay ee reer galbeedka ahi waxaa ay taas muujiyeen mid ka duwan waxaana ay ku doodeen in Maraykanku la qabo fikirka ay in madaxda Soomaaliya ay sii kala lushaan. Wasiirka arrimaha dibadda UK oo u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay inay EU-du ay ku talinayso in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul waasare Cabdiweli Sh. Axmed ay sii wada-shaqeeyaan muddada u hadhsan dowladdaas, si loo xaqiijiyo in doorasho la gaadhsiiyo dalka Soomaaliya.

Kala aragti duwanaantan ayaa gellinkii dambe ee shalay saameyn xooggan ku yeelatay shirka, iyadoo dhinac waliba uu ku adkeysanayo go’aankiisa, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan xarunta uu shirku ka dhacayo ee Denmark.

In badan oo ka mid ah madaxda meesha ka hadashay waxaa ay tilmaantay in dawladda Soomaaliya ku fashilantay wax badan oo looga fadhiyay inay qabato. Masuuliyiinta fikirkan aaminsan waxa ka mid ahaa Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sadikou oo hadal ka jeediyay shirka. Sidaas oo ay tahay waxaa uu sheegay inay iyagu diyaar u yihiin inay ka taageeraan dagaallada ay kula jirto Al-shabaab si dalka xasillooni loogu soo celiyo.

Shirkan shalay furmay ayaa la soo gunaanadayaa maanta oo Khamiis ah, iyadoo shirkan intiisa badan lagaga hadlayo amniga, dib u dhiska dalkaas iyo fulinta qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya loo bixiyay.