GALKACYO (CH)- Weriye Cabdirasaaq Cali Cabdi Silver oo ka tirsanaa Telefishinka Horn Cable iyo Radio Daljir, ayaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya.
Weriyahan oo ka mid ahaa kuwa ugu caansan ee ka hawl-gala maamul-goboleedka Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, waxaa sida dad goob-joogeyaal ahi saxaafadda u sheegeen Salaaddii Cishaha ee caawa ka dib Madaxa dhawr xabbadood kaga dhuftay laba nin oo dhallinyaro ah oo Baaskoolado ku hubeysnaa.
Goobta dilku ka dhacay oo ah badhtamaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaanno Xero Daraawiish, waxaa daqiiqado ka dib gaadhey Ciidamada Booliska Maamul-goboleedka Puntland oo qaybta Waqooyiga Gaalkacyo maamulkoodu ka taliyo.
Weriye Cabdirsaaq-Silver oo hore uga soo shaqeeyey Idaacadaha Codka Nabadda iyo Radio Gaalkacayo waxa uu ifka kaga tegey laba Carruur ah iyo Hal Xaas. Waxaana dilkiisa Cambaareeyey Ururrada Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo ku baaqay in Gacan-ku-dhiiglayaasha falkaas dilka ah ku fuliyey Weriyaha la soo qabto, Sharciga iyo Caddaaladdana la hor-keeno.
Saddexdii sanno ee ugu dambeeyey waxa magaalada Gaalkacayo lagu diley Shan Weriye oo Allah ha u naxariistee uu Cabdirisaaq Cali Silver ka mid yahay, kuwaasoo saddex ka mid ahina ka tirsanaayeen shaqaalaha Radio Daljir.
Codkahargeysa.com