“Haddaanu nahay Hawd, reer Somaliland, Waran-caddena ku daroo, ee xeebta ku harraaddan barwaaqada annagaa u horseednay intaana waa lana soo daba-guurayey uun.” – Muuse Biixi
Baligubadle (CH)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIY Muuse Biixi Cabdi ayaa ka sheekeeyey doorka ay taariikhda reer Hawd ku leeyihiin halgankii dib u xoreynta dalka iyo taageeradoodii xisbiga Kulmiye, isagoo u faanay dadka deegaannada kale oo sheegay inay xuddun u yihiin horumarka ay gaadheen beelaha kale.
Muuse Biixi oo maanta ka mid ahaa siyaasiyiin iyo masuuliyiin madaxweyne Siilaanyo ku wehelinaysay munaasibad uu xadhigga kaga jaray wejiga koowaad ee dhismaha waddada Balligubadle oo la dhammaytiray 5-KM oo ka mid ah, waxa uu xusay doorka ay beesha Balligubadle (Arab) ka soo qaadatay halgankii xisbiga Kulmiye ugu jiray hanashada talada dalka iyo horumarka wakhtigan oo Kulmiye talada dalka hayo ay hormoodka u yihiiin.
HALKAN KA DHEGAYSO