Ciidamada Bileyska Oo Hawl-Gal Ay Xalay Ka Fuliyeen Hargeysa Ku Soo Qabtay Idaacad FM Ah Iyo Shaqaalaheedii

0
321

Hargeysa, Somaliland, November 18, 2014 (Codka Hargeysa/ Saxafi) – Ciidamada Bileyska Somaliland, ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan qalabkii iyo qaar ka mid ah shaqaalihii Idaacad FM ah oo beryihii u dambeeyay laga dhegaysan jiray magaalada Hargeysa, taas oo ay xukuumaddu sheegtay inay tahay mid sharci-darro ah oo aan ruqsad ka haysan dawladda Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa xaqiijiyay inay ciidanka bileysku gacanta ku soo dhigeen qalabkii idaacaddan oo la odhan jiray “BAADI-DOON” iyo afar qof oo shaqaale ka ahaa.

Taliye Cabdillaahi Fadal oo xalay Khadka Telefoonka ugu waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.com, ayaa yidhi: “Dabagal iyo baadhis Caawa (Xalay) Sagaalkii habeenimo iyo daqiiqado waxay ciidanka booliska Somaliland ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan Idaacad FM ah oo beryahanba hadlaysay. Waxaana lagu soo qabtay Afar nin, iyo qalabkeedii oo isku dhan, waana la baadhayaa”.

Mar la waydiiyay Taliye Cabdilaahi Fadal muddo intee le’eg ayaad ku jirteen baadhitaanka Idaacadan FM-ta ah ee aad sheegtay inaad qabateen? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Muddo dheer ayaanu ku jirnay, laakin muddo bil ah ayaanu baadhis aad ah sameynay, annaga oo baadhista idaacadan beryahaaba daba soconay, waxaanay ciidanka bileysku ku guuleysteen sagaalkii habeenimo iyo daqiiqado inay qabtaan idaacadii oo hadlaysa, Waxaana Idaacada laga soo qabtay Xaafada ACTOOBER ee waaxda Axmed-Dhagax,”

“Idaacadani waxay khatar ku ahayd nabadgelyada iyo qaranka Somaliland, ciidanka booliska ayaa gacanta ku soo dhigay waana Guul, shacab-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda,oo wixii sharciga khilaafsan ay ciidanka bileyska la soo socodsiiyaan,