Hargeysa (Codka Hargeysa) – Qaar ka mid ah Salaadiinta gobolka Maroodi jeex ayaa ka hadlay xadhiga gudoomiyaha urur beeleedka Jiidaali iyo khilaafka ka jira golaha Wakiiladda oo ay sheegeen in aan loo baahnayn.
Madax dhaqameedkan oo shirjaraa’id ku qabtay shalay magaaladda Hargeysa ayaa sharci daro ku tilmaamay qaabka loo xidhay gudoomiyaha Jiidaali iyo khilaafka ba’an ee golaha Wakiiladda ka jira.
Suldaan Mawliid Cali Sabayse ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa madashan maanta isagu keen keentay caddaalad darro ka dhacday caasimadda magaaladda Hargeysa, dhowr arrimood oo ay daaran tahay oo ay gundhig uu ah gudoomiyaha dhalinyarta ee Jiidaali ee beesha Subeer Awal Oo sabab la’aan loogu xidhay magaaladda Hargeysa oo cadaalad daradaas waa wixii siyaad Barre laga diiday, ninkaasi wax aliyaale wax uu dambi gallay haba yaraatee ma jirto cidna muu durin cidna muu afgaaladeen. Horta reer baa xidhan ee shaqsi ma xidhna, gudoomiyaha ururka dhalinyarta subeer Awal marka uu xidhan yahay reer ba xidhan. Arrintaasina arrin aanu qadanayno oo aanu yeelayno maaha, reer ahaan uma yeelno, Somaliland ahaan uma yeelno iyo caddaalad ahaan uma yeelno.Waxa aanu leenahay cida xidhatay hadda faraha ha ka qaaddo”
Suldaan Shariif Ato oo isna halkaasi ka hadlay ayaa cadaalad daro ku tilmaamay guriga Farxaan Xaaji Cali ee dawladdu la wareegtay taas oo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan ka hadlayaa Farxaan Xaaji Cali oo ah muwaadin reer Somaliland, in badana kula soo halgamay oo ahaa raggii kursiga ku fadhiisiyey waana nasiib daro in isaga iyo caruurtiisu aqoonti ku noqdaan magaaladda. Faraha ha laga qaado isaga iyo hantidiisaba iyo reerkiisaba, waxaana codsanaynaa in furihiisana loo celiyo ilayn Somaliland oo dhan baa guryo dawladeed ku wada jira”
Sidoo kale, waxay sheegeen inay hambalyo u dirayaan sagaalka xildhibaan ee ka soo jeedda gobolka Awdal ee u istaagay badbaadinta Qaranimadda Somaliland kuwaas oo ay sheegeen inay lexjeclobadan ka qabaan badbaadinta qarankan.