Xildhibaannada Wakiillada ee reer Awdal oo Sheegay sababta ay uga noqdeen Saxeexoodii Mooshinka Xil-ka qaadista Guddoomiye Cirro

0
264

Hargeysa (CH)- Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Awdal ee Golaha Wakiillada Somaliland oo wax ka saxeexay Mooshinka ay Xildhibaannada Muxaafidku doonayeen inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golahaas, ayaa sheegay inay ka noqdeen Saxeexoodii Mooshinkaas, ka dib markii sida ay ku doodeen laga leexiyey dariiqii sharciga ahaa ee uu mari lahaa iyo qaabkii ku talo-galkoodu ahaaba.

UntitledXildhibaannadan ayaan shalay ka qaybgelin furitaanka Kal-fadhiga 26-aad oo loo ballansanaa Sabtidii shalay, ka dib markii Ciidammo la dhoobay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa oo ay Mudanayaasha kale ee Muxaafidku galeen, fadhigana furteen, inkasta oo aanu suuragelin fadhigaas la doonayey in Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro lagu rido, ka dib markii ay Guurtidu waan waan ka gashay in muddo laba maalmood ah dib loo dhigo furitaanka, iyadoo uu sidoo kale dibedda ka joogay Guddoomiyuhu.

Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Awdal waxay sidaas ku sheegeen Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa Sabtidii Maanta, waxay Tobaneeyadan Mudane ku sheegeen inay Mooshinka wax ka saxeexeen, diyaarna u ahaayeen in qaab sharci ah xilka lagaga qaado Guddomiye Cirro qaladaadka dhanka hoggaaminta ka jirta darteed, hase-yeeshe, ay maanta go’aansadeen inay ka noqdaan Sexeexaas markii la marin-habaabiyey mooshinkaas sida ay ku doodeen.

“Waxaan rabnaa inaan Golihii badbaadinno oo Sharciyaddii lagu soo dabbaalo Golaha, oo wixii sharciyad ah Golaha la dhex-keeno oo Golaha dhexdiisa aan kaga doodno waanan kaga doodi doonnaa insha ALLAAHU. Laakiin, qaabkan fawdada ah ma oggolin annagu haddaannu reer Awdal nahay.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac (Gaagaale) oo hoggaaminayey Mudanayaasha reer Awdal oo shirkaa jaraa’id ka hadlay.

Xildhibaan Abubbakar Cabdiraxmaan Good, ayaa yidhi; “Waxaannu u aragnay arrintan beryahan jritay ee buuqeeda iyo qayladeeda cirka isla maray aad maqlayseen, arrintaas oo ah arrin laba dhinac iskaga horyimaaddeen oo Mucaarid iyo Muxaafid ah, waxaannu u aragnaa arrintaas mid aan dan u ahayn Qaranka iyo ummad nimada dan u ahayn,waxaannu u aragnaa inay fawdo abuuri karto, Somaliland-na kumay caano-maalin is muquunin iyo in la isu awood sheegto ee isu-tanaasul iyo isqancin bay ku soo caano-maashay, haddaannu reer Awdal nahay-na inaan wax dhisno mooyee waxba ma duminno.”

Sidoo kale, Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar (Mahdi-Gees), waxa uu yidhi; “Is-qancinta, wada-xaajoodka iyo isu-tanaasulka ay Somaliland ku soo caano-maashay ayaannu qaylo dhaan u nahay maanta, inaanay is-muquunin iyo buuq ku socon waxba ee sidii aynu xalka u geli jirnay u galnaan soo jeedinaynaa. Guddoomiyaha Golaha Mooshin ayaa laga saxeexay, Mooshinka waan saxeexnay. Laakiin, hannaankii uu mari jiray ee fiicnaa ayaannu ugu talo-galnay, qaabkii sharciga ahaa ee saxda ahaa ee aan ugu talo-galnay wuu ka leexday, oggolaanna mayno qaabkii inuu ka leexdo, waayo Wakiillo ayaannu nahay Bulshada metela oo danta Bulshada masuuliyad baa naga saaran. Qaladaad wuu jiraa, laakiin qaabkan looga qaadayo qaab sax ah maaha, waa qaab dalkeenna, dadkeenna iyo danteenna-ba wax yeelaya. Sidaa daraaddeed, ayaannu Mooshinkayagaa u joojinnay oggolaanna mayno annagoo danta dadka iyo dalka-ba eegayna.”

“Arrinta Mooshinka ee taalla Golaha Wakiillada, arrintaasi sifeheedii sharciga ahaa iyo dariiqii Mooshinku mari lahaa ayuu ka leexday, dabadeedna annagu waxaannu go’aansannay annaga oo Mudanayaasha halkan fadhiya ah maaddaama oo qalad ku jiro oo la qalloociyey, inaanu qalloocaasi ummadda Somaliland waxba u tarayn ee lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd, sidii awal loo maamuli jiray loo mamulo, dariiqiisii saxda ahaa uu maro. Tan saxeexa Mooshinka, waannu saxeexnay, laakiin markaannu waxyaabahaa badan ee qaladka ah ee ku jira aragnay, Saxeexayagii waan ka noqonnay.”  Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Rashiid Maxamed Ismaaciil (Hoos-ujeed) oo ka mid ahaa Mudanayaashan reer Awdal ee ka tirsan Golaha Wakiillada.

Waxaa kale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle “Markaannu dhan walba ka rog-rognay, markaannu si walba uga baaraan-degnay, markaannu dhinac walba iska tusnay Mooshinkaas Golaha Wakiillada in la geeyo la doonayaa inaanu ahayn Mooshin haddii sida maanta loo wado loo dhigo ahayn Mooshin dan innoo ah, markaan leeyahay dan innoo ahayn Qaranka Somaliland baan ka hadlayaa.”