Wasiir Cali Waran-cadde oo Madaxweyne Siilaanyo Hortiisa ugu Faanay Wasiirro Abtiyaashood shalay mudaraadeen

0
313

Sallaxley (CH)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Waran-cadde oo ka mid ahaa xubno wasiirro ah oo madaxweyne Siilaanyo ku wehelinayey munaasibad uu xadhiga ka jiray 5-KM oo ka mid ah Waddada Cad ee Sallaxley iyo Hargeysa Isku xidhaysa oo dhismaheedu socdo, ayaa sheegay inaanay jirin cid qabyaalad iyo reernimo ku hanan karta Madaxtinimada dalka, waxaanu shacabka Somaliland u soo jeediyey inay wax-qabadka nidaamka dawladeed ee jira iyo wax-tarkiisa kaga faa’idaystaan wada-shaqaynta iyo wanaag loo muujiyo.

DSC_0398Wasiirka Waran-cadde oo daba-socda bannaan-baxyo khasaare nafeed iyo dhaawacyo sababay oo shalay ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, laguna taageerayay guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu madasha uu hadalkiisa ka jeedinayey oo ahayd munaasibad lagu qabtay goobta dhismaha Waddadu ka socoto ee duleedka magaalada Sallaxley ugu faanay wasiirro xukuumadda ka tirsan oo socdaalkooda ku wehelinayey, kuwaas oo uu ugu faanay inuu ka abtiyaal wanaagsan yahay, isaga oo ujeeddadiisu ahayd lana hadlayey wasiirrada la socday ee ay Abtiyaahsood yihiin Beelaha Habar-Yoonis oo hadalkiisu ku aroorayey.

Wasiir Waran-cadde oo Abtirsiinta dhinaca hooyada ku abtirsada beesha Sallaxley (Ciidagale), waa uu ku faanay inuu ka abtiyaal wanaagsan yahay Wasiirro aanu carrabaabin oo socdaalka ku wehelinayey, isaga oo tusaale ugu soo qaatay isla markaana is-barbar dhigay dhismaha Waddadan xadhigga laga jaray iyo bannaan-baxyada shalay magaalada Burco iyo Ceerigaabo ka dhigeen taageerayaasha Guddoomiye Cirro.

“Waxaanu farxad noo ah inaanu idinkala soo qayb-galno mashruucan ballaadhan iyo fantasiyaha halkan maanta ka muuqda. Waxaanan jeclahay mudane Madaxweyne inaan halkan maanta maanta ka faano oo aan u faano wasiirrada ina weheliya oo aan leeyahay waxaan ku faanayaa maanta halka ay abtiyaashay kaga fooggan yihiin soo-dhawaynta Qaranka, marxabbaysiinta madaxdooda, taageeridda qarankooda, horumarinta waddanka oo ay ka mid tahay waddada aynu maanta soo marnay iyo halkay hiigsanayaan iyo ragga ila socda ee shalay abtiyaashood ku foogganaayeen inay waddooyinka gubaan, ayaan madaxweyne u faanayaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha uu Abtiyaashood dhaliilayo Wasiirrada ay isku xukuumadda ka tirsan yihiin, waxa uu mahad-naq u jeediyey bulshada deegaanka Sallaxley oo uu sheegay inay dhegaha ka furaysteen wax uu ugu yeedhay ‘ILMADA YAXAAS’ oo uu uga jeeday habar-wacashada taageero ee Siyaasiyiintu ku kiciyaan xaraaradda qabyaaladda.

Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo bulshadan Hargeysa ilaa Sallaxley degta uga mahad-celinayaa sida qiimaha badan ee shalay ay uga dhega-adaygeen ilmada Yaxaaska ee siyaasiyiintu caanka ku tahay ee markay wax garan-waayaan dadka isla soo hortaaga, inay shalay ka dhega-adaygeen oo ay yidhaahdeen ilmadaada qarso. Maadaama madaxweyne aan ahay ninka aad u dhiibtay Meeriska Nabadgelyada ama kaalintaas ku qaybsan, waxaan beeshan (Daa’uud Garxajis) uga mahad-celinayaa sidaa qiimaha leh ee Odayaashoodii halkan ka hadlay wixii aan anigu ka odhan lahaa uga yidhaahdeen, ee dhinacooda inala haya ee Saaka markaynu waddada soo maraynay farxadda iyo reyn-reynta ka muuqatay, ragga qaar badanna aad moodday inuu waranka ku taagan yahay.”

Ugu dambayntii, Waxa uu wasiirku baaq iyo talooyin u jeediyey Shacabka Somaliland, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland, madaxda iyo dawladaha waxa lagu maalaa wanaag la tuso iyo Kalgacal, waxa lagu maalaa waddaninimo, laakiin laguma maali karo Taayir qiiqaya iyo dhagax la tuuro. Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego, cid qabyaalad kursi ku fuuli kartaa ma jirto waddankan, waxa lagu fuuli karaa wanaag, waxa lagu fuuli karaa kalgacal, waxa lagu fuuli karaa aaminaad, waxa lagu fuuli doorasho,” Sidaas ayuu yidhi Md Cali Waran-cadde.

Wasiirrada Socdaalka ku wehelinayey madaxweynaha waxa ka mid ahaa Wasiirka Gashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

XIGASHO: Somalilandpost.net