Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa iftiimiyey xil-gudasho-la’aan dul-hoganaysa Golaha Wakiillada oo uu xusay inaanay wax tallaabo ah iyo waajibaad sharci ka gudan xeerar hawlaha shaqo ee Qaranka muhiimad u leh oo golahooda horyaalla.
Md Siilaanyo oo ka hadlayey khilaafkii shalay ka soo dhex-mudhay golaha Wakiillada, waxa uu mudaneyaasha Qaranka wakiillada ka dalbaday inay waajibaadkooda sharci ka gutaan xeer uu magacyadooda taxay oo golaha horyaalla, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay Golaha Wakiilada waxaa idin saaran masuuliyad culus oo bulshadu idinka fadhido, ma aha in aad maalin walba is haystaan oo Qaranka qas gelisaan, dhammaan waxaa idiin soo gudbiyey Xeerarkii muhiimada Qaranka u lahaa. Xeerkii Ammaanka, Xeerkii Doorashada, Miisaaniyadii Qaranka, Komishankii Doorashooyinnka.”
Md Siilaanyo oo shalay madaxtooyada ku qabtay shir-jaraa’id oo uu warbaahinta qaarkeed kula hadlay, waxa uu beeniyey jiritaanka faro-galin xukuumaddu ku hayso Golaha xeer-dejinta oo mucaaradku ku eedeeyaan, waxaanu yidhi, “Waa khalad in Guddoomiyuhu maalin kasta nagu eedeeyo in aanu faragelin ku hayno Golaha, mana jirto. Shaqada Qaranku idinka sugayo ka hawlgala, idinkuna wixii dhexdiina yaalla wada hadal ku dhammaysta, sharcigana u hoggaansama,” ayuu yidhi Md Siilaanyo.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com