Faallo: Shalay Iyo Maantu Isu Ekaa

0
344

20071018-SNMBiixi“Guurtidu hadday Guddoomiyahooda bedelayso ha sugto inta doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso” Muuse Biixi…..Shir jaraa’id Sanadkii 2009

 

Bishii February ee 2009 waxaa Golayaasha Baarlamaanka siddan hadda oo kale ka oognaa khilaaf laxaad leh.

Waqtigaas waxaa si xoogle u soo shaacbaxay olole Golaha Guurtida dhexdiisa laga bilaabay, kaasoo ay dabada ka riixaysay Madaxtooyadu, kuna doonaysay in la bedelo Guddoomiye Saleebaan Maxamed Aadan oo ay goor danbe is eedeen. Haa,  Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan intii la wadda socday dagaal adag ayuu u galay guushii UDUB ee doorashadii Madaxtooyada ee 2003, haddana Guddoomiye Saleebaan iyo Madaxweyne Rayaale waa ay kala foggaadeen,  isla markaana dhowr jeer ayaa mooshino noocan kan hadda lagu wado Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro lagu bilaabay. Laakiin, aakhirkii waa ay iska qaboobeen.

Waagaas Saleebaan iyo Rayaale waxaa khilaafkoodu daaranaa u meeldayida muddo-kordhin hor leh oo loo aanaynayo in Madaxweyne Rayaale damacsanaa. Laakiin, la is tusay in aanay ka suurta-galayn Saleebaan oo markaa ka hor ka shaqeeyay muddo dhaafkii doorashada madaxtooyadda.

khilaafkii golaha wakiladda 2009 3Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo waqtigaas ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad, ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta dhaqdhaqaaq la xidhiidha sidii xilka looga qaadi lahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, kaasoo uu tilmaamay inay ku hawlan tahay Madaxtooyadu.

Muuse Biixi oo goor galab ahayd shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, wuxuu ka hadlay mooshinka xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Guurtida, siidaynta laba nin oo dhowaan lagu qabtay Gantaalaha Lidka diyaaraddaha oo Xukuumaddu sheegtay inay xoriyadoodii u celisay, aragtida Somaliland ee isbedelka siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale. “Waxaynu ku jirnaa doorashadii, maantana (shalay) waxay saddexda xisbiba xareeyeen Murashaxiintii doorashada Madaxtooyada u sharaxnayd, shalayna (doraad) waxaa la saxeexay heshiiskii tiro-koobka lagu hufayay ama lagu shaandhaynayay, dalku wuxuu ku jiraa doorashadii ugu weynayd oo ah ta Madaxtooyada. Markaa maanta hay’ad walba, qof walba iyo urur walba waxaa waajib qararn ah inuu Nabadgelyada ilaaliyo, wixii dhexdiisa ahna dhulka dhigo oo aynu dhamaanteen u jeedsano si Nabadgelyo iyo degenaansho inoogu dhacdo doorashada Madaxtooyadu.” Sidaa ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi. Wuxuuna intaa raaciyay, “Markaynu Distoorka eegno, dalka labada hay’addood ee ugu sareeyaa waa Madaxtooyada iyo Golaha Guurtida, baratakoolka (maamuuska) koowaadna waxaa leh Madaxtooyada iyo Shirguddoonka Guurtida. Waxaa nasiib-daro ah, oo aan caqliga geli karayn oo aan waqtigeedii ahayn in maanta laga bilaabo olole in Shirguddoonka Guurtida la bedelo. Dalku ma qaadi karo in labada hay’addood ee ugu sareeyaa isku waqti doorasho galaan, taasna khilaafkii golaha wakiladda 2009 2Distoorkeenu wuu kasii talogalay in labadaa hay’addood marna isku sannad doorasho wada gelin, waayo cimriga Madaxtooyadana waxaa laga dhigay shan sannadood ka Guurtidana lix sannadood, ujeedaduna waxa weeye waa labadii hay’addood ee dalka ugu sareeyayoo waa in midi joogtaa, midna doorashada ku jirtaa. Waxaanu u aragnaa arrintaas cida ka talisa iyo cida ka dambaysa in aanay Somaliland u danaynayn. Waxay u muuqataa inuu cadow sawaabani soo gacan geliyay oo uu inoo dhigay qorshe ah in umaddu khalkhal gasho. Guurtidu hadday Guddoomiyahooda bedelayso ha sugto inta doorashada Madaxtooyadu qabsoomayso”Ayuu yidhi.

Aan ka soo gudubno, bishii September 12-keedii sanadkii 2009, waxaa Xarunta Golaha Wakiillada ka bilaabmay rabsho u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda. Golaha Wakiillada shirgudoonkiisa waxaa hoggaaminayay waqtigaas Mucaarad, waxana Maalintaas Xukuumaddu xidhay Golaha Wakiillada, iyaddoo ka soo horjeedday abaabul ka socday oo ka dhan ahaa Madaxweyne Rayaale. Taasi waxaa ay sababtay in dadweyne ka gadoodsan xadhiga Xarunta baarlamaanka iyo Ciidamada Boolisku isku dhacaan. Maalintaas waxaa daatay dhiig badan oo dad shacab ah.

khilaafkii golaha wakiladda 2009 1Xaaladda Magaalada Hargeysa ayaa isu bedeshay goob dagaal, gaar ahaan aaga madaxtooyadda, Baarlamaanka ilaa Cusbitaalka weyn ee Caasimadda. Laba qof ayaa dhintay 11 kallena waxaa gaadhay dhaawac intii Qalinku diiwaan galiyay waqtigaas shalayna arrintu waa ka durugtay oo haddii ay Hargeysa joogtay waxaa ay u gudubtay.

la soco…

Xigasho: Saxafi