Hargeysa (CH)- Xildibaano ka tirsan Mudanayaasha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xabsiga loo taxaabay maanta, waxaana Xildhibaannadaas lagu xidhay xarunta Laanta Dembi-baadhista Ciidammada Booliska ee CID-da.
Xildhibaanadan oo tiradoodu tahay Shan, ayaa kala ah Xildhibaan SIciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, Xildhibaan Maxamed Saalax iyo Xildhibaan Xuseen Cige, kuwaasoo lagu eedeeyey inay abaabulayeen Muddaharaad sharci-darro ah sida ay Sarakaiil Booliska ka tirsan oo Aftahan la hadashay ku doodeen.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo aan ka tegin Golaha Wakiillada oo uu sheegay inaanu galayn Golaha inta laga qaadayo Ciidammada Xukuumaddu kula wareegtay Golahaas sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu Cabdiraxmaan-Cirro cambaareeyey Xadhigga lagula kacay Xildhibaannada ka tirsan Golaha Wakiillada ee Mucaaridka ah, waxa kale oo uu xusay inay jiraan Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga uu sidoo kale Guddoomiyaha ka yahay ee WADDANI iyagana la xidhay, sidoo kale, Weriyeyaal la xidhay sida uu isagu sheegay, xadhiggaas oo uu ku tilmaamay sharci-darro iyo cabbudhinta ay Xukuumaddu ku hayso Mucaaradka iyo Saxaafadda xorta ah.
Madaxweynaha Somaliland oo Shir-jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada oo la weydiiyey sababta xadhigga mudaneyaasha, ayaa xadhigga mudaneyaasha ku tilmaamay mid ay mutaysteen isla markaana ay ciidamo qabteen iyaga oo gacanta kula jira fal-dambiyeed lagu qabtay oo aanu shaacin nooca uu yahay.
CODKAHARGEYSA.COM