Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay khalkhalka iyo khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada iyo sidoo kale muddaharaadka ka dhacay magaalada Burco ee sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca illaa shan qof. Waxaanu Siilaanyo dafiray inaanay faro-gelin ku haynin Xukuumad ahaan Goluhu.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu Tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo Shacabka Somaliland ee ay ka baxday Marxuumad ku dhimatay Muddaharaad Xukuumadda lagaga soo horjeedo oo maanta Gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu sidaa ku sheegay Shir Saxaafadda qaarkood loogu yeedhay oo uu ku qabtay Madaxtooyada
HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA MADAXWEYNAHA