Hargeysa (CH)- Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa ku guulaystay in dib loo dhigo furitaanka Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada oo Sabtida saaka furmayey, ka dib markii ay Xildhibaannada Mucaaradka iyo Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan-Cirro oo Mooshin ka dhan ah oo ay doonayeen inay Xildhibaannada Muxaafidka ee Aqlabiyadda Wakiilladu xilka kaga qaadaan Cirro soo dhigeen.
Xildhibaannada ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu ka mid yahay Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ah Odayga ugu da’da wayn Somaliland iyo Mudanayaal kale, oo uu hoggaaminayo Saleebaan, ayaa galay gudaha Hoolka Golaha Wakiillada ee Mudanayaasha Muxaafidka ahi doonayeen inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golahaas.
Guddoomiyaha Guurtida ayaa Fadhiga oo furmayey, isla markaana Kooramka fadhigu ku furmi lahaa buuxsamay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaasina isu-diyaariyey inuu Shir-guddoomiyo fadhiga maaddaama oo uu Guddoomiyuhu saaka sheegay inaanu galaynin Golaha inta laga qaadayo Ciidammada ay Xukuumaddu dhoobtay oo uu sheegay inay inqilaab ahaan ku qabsadeen xarunta Golaha, ayuu ka dalbaday in dib loo dhigo fadhiga muddo laba cisho.
Inkasta oo uu Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golahaasi diiday markii hore dalabka Guddoomiyaha Guurtida uga yimi ee ah in fadhiga furitaankiisa la joojiyo oo dib loo dhigo muddo laba cisho ah, haddana markii dambe way aqbaleen Aqlabiyadda Wakiillada ee Muxaafidka ahi in fadhigaas la joojiyo, isla markaana dib loo dhigo muddada labada cisho ah ee Guddoomiye Saleebaan dalbaday.