Burco (CH)- Qof Dumar ah, ayaa ku geeriyootay, shan kalena way ku dhaawacmeen Muddaharaad xooggan oo gelinkii hore ee maanta gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland.
Muddaharaadka ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Burce ee sameeyey waxay kaga soo horjeedeen Mooshin ay Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Xukuumadda taageeraa doonayeen inay saaka xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), inkasta oo dib loo dhigay fadhigii ay rabeen inay maanta xilka kaga qaadaan, ka dib markii Golaha Guurtidu ka dalbaday Muxaafidka inay dib u dhigaan muddo laba cisho ah furitaanka fadhiga.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, ayaa xaqiijiyey in Rasaas ay Ciidammada Ammaanku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dadweynaha muddaharaadka waday inay ku dhacday Gabadh oo ay geeriyootay, isla markaana ay dhawr qof oo kale ku dhaawacmeen. Hase-yeeshee, goob-joogayaal ayaa Codkahargeysa u sheegay in shan qof oo kale ay tahay tirada dadka ku dhaawacmay Rasaastaas ay Booliska Burco u adeegsadeen Muddaharaadayaasha.
Ciidammada dadka muddaharaadayaasha ah kala kaxaynayey, ayaa isugu jiray Millateri iyo Boolis, iyaga oo Millaterigu soo galay markii ay Boolisku awood ay wax kaga qabtaan iyagoon rasaas adeegsan u waayeen dadkaas, waxaana Gurmad ahaan ugu yimi Ciidammada Millateriga ah ee magaalada deggan, kuwaasoo Rasaas badan lagu soo warramayo inay ku fureen dadka bannaan-baxayay.