Xogayaha Guud Ee Golaha Wakiladda Oo Goor Dhowayd Xabsiga Uu Taxabeen Cidamada Bileysku

0
336

Hargeysa, Somaliland November 14, 2014 (Codka Hargeysa) – Xogayahaa guud ee golaha wakilladda Somaliland Cabdirisaq Sicid Ayaanle ayaa la sheegaya inn goor dhowayd abaaro 9 kii fiidnimo, ay cidamada bileyska Somaliland uu taxabeen saldhiga dhexe oo uu hataan ku xidhan yahay.

Lama ogaa sababta rasmiga ah ay cidamada bileysku ay xabsiga ugu taxabeen xogayaha guud ee golaha wakiladda Somaliland Cabdirisaq Sicid Ayaanle, lakinse waxa loo maleegaya xadhiga xogayaha khilaafka uu dhexeya xukumadda uu madaxweyne Axmed Silaanyo ka yahay iyo gudomiyaha golaha wakiladda Cabdiraxman Cirro, oo ay wararku sheegayan inn xildhibanada ka tirsan xisbiga kulmiye ay maalinta berri horkeeni donan ama inn ay ku ay qorshayasha ajaandaha fadhiga maalinta berri lagu darro mamuus ka xayuubin gudomiyaha golaha wakiladda.

Waxana weriyahasha shabakada Codkahargeysa isku dayee inn ay laa xidhidhan khadka telefoonka taliyaha saldhiga dhexe ee magalada Hargeysa, sii uu inuu fahfaahiyo sababta xadhiga xogayaha oo inuu suura gali wayday.