Faallo: Maxamed Cumar Sheekh
Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mud. Muuse Biixi iyo wasiirka lacagta ee dalka Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa la sheegayaa inuu mar kale u bilowday loolan siyaasadeed oo midba midka kale ku doonayo in kursiga madaxtooyada kaga riixdo wakhtiga madaxweyne Siilaanyo banneeyo kursiga.
Loolankan oo aan moodayey in meel la iska dhigay isla markaana Muuse Biixi iyo wasiir Samaale aanay mar kale ama inta madaxweyne Siilaanyo hayo kursiga madaxtooyada aanay dadweynaha iyo dawladdaba soo xusuusin doonin loolankaasi, balse sida ay sheegayaan warar lagu daabacay warbaahinta bulshada, ayaa lagu xusay in loolankaasi mar kale ka socdo Hargeysa. Isla amrkaana guddiyo u xilsaaran kala reebista labada siyaasi ee caanka ah dhawaan ay soo saari doonaan go’aan la xidhiidha ammuurtaasi.
In kastoo aanay labadan masuul midkoodna ka hadal arrintan loolanka, hase yeeshee marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka, loolanka xisbiyada ee kursiga madaxtooyada, muranka Baarlamaanka iyo welwelka laga qabo doorashooyinka dalka ka dhici doona ayaa hadii ay dhab noqoto arrintani culays kale oo aan la filayn dusha ka saari doonta arrimaha aan soo sheegnay, waxaana dagaalka siyaasadeed noqon doonaa dawladda dhexdeeda iyo xisbul-xaakimka dhexdiisa, waxayna guul-darro u soo jiidi doontaa xukuumadda maanta, taasoo ay daafaha dalka iyo caasimaddaba kaga shidayaan mucaarad danno kala duwan lihi.
Su’aasha meesha taalla ayaa noqon karaysa maxaa dib u soo celiyay loolankani hadii uu jiro? goorta u bilowday iyo sifaha uu ku bilowday? ma war ka duwan kii madaxweyne Siilaanyo ku sheegay inuu yahay musharraxa xisbiga Kulmiye ee madaxweynaha markii labaad ayaa jira? ma dhinacyo kale ayaa arrintan dacaayad siyaasadeed ka dhigaya si loo mashquuliyo dawladda mise waa far kale?
Jawaabaha arrimahaasi iyo kuwa kale mugdibay ku jiraan, cid kale oo aan ahayn labadaa masuul mooyee ma rumayn karto mana beenin karto, caqliguna wuu diidi karaa in dab shalay uun laga demiyay xisbul xaakimka iyo xukuumadda haatan dib loo soo shido, waxase dhici karta in qaybaha dadweynaha ay ka soo kala jeedaan labadaa masuul dhiraan dhirinayaan siday labadaa masuul uga dhex raadin lahaayeen miisaan dhinaca siyaasadda ah oo dan u ah, dhinaca mucaaradka hadiiba ay dhacdo in guddiga la sheegayaa midkood u soo xullo musharraxa keliya ee Siilaanyo ka dib kursiga dalka ugu sarreeya qaban doona, waase goor hore in la saadaaliyo cidda guddigaasi ku wado hogaamiyaha dalka. iyadoo la ogaa in isku day caynkan oo kalle ah oo dhacay sannadkii aan soo dhaafnayan aanu midho dhalin, isla markaana xidhiidhka u dhexeeya masuulyiintani sii xumaado, iyadoo sidoo kalena maanka lagu hayo hadal-hayn kale oo ku saabsan in wasiirka arrimaha debedda ee haatan Maxamed Biix Yoonis uu ku jiro liiska musharraxiinta mansabka madaxweynaha Siilaanyo ka dib, lamana oga in wakhtiga madaxweyne Siilaanyo kursiga bannayn doonaa noqon doonto toban sano ka dib iyo inay noqon doonto wakhti ka soo horreeya, sidaa darteedna loolan wakhtigan loo galo kursigiisu yahay uun dib u soo nooleynta rajada reer Hargeysa ka qabaan inay mar uun ku fadhiistaan kursiga ugu sarreeya dalka .