Hargeysa, Somaliland, November 14,2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa beeniyey garoonka xaafadda Almis ee 26 june ee Dugsiga Sheekh Baraawe ka dambeeya in la iibinayo, waxaanu sheegay in laga dhisayo garoon iyo maktabad ay caruurta xaafaddu ka faa’iidaysan doonaan, isla markaana wuxuu digniin u diray dadka caadeystay inay warar been ah dadweynaha u tabiyaan.
Maayirka Caasimadda ayaaa sidaas ka sheegay xaflad shahaado sharaf lagu gudoonsiinayey oo ay soo abaabuleen Dadweynaha ku dhaqan xaafadda Al Mis ee degmadda 26 June ee magaaladda Hargeysa, kuwaas oo Maayarka ku amaanay mudaddii xilka uu hayey waxqabadkii uu la yimid.
Munaasibadan lagu qabtay garoonkan xaafadda Almis waxa maayarka ku wehelinayey maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi, xildhibaan Axmed Diiriye Nac-Nac oo ka tirsan golaha wakiiladdda Somaliland iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha haweenka ee xaafadda Almis Roodda Cabdi Aadan ayaa sheegtay inay shahaadadan ku maamuusayaan Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo wax badan ka qabtay baahiyihii magaaladda, isla markaana magaaladda uu qashinkii ka yaraaday.
Waxa kale oo ay tilmaamtay wadooyinka iyo garoomadda sida uu wax badan uga qabtay, kaas oo uu dadaalayo inay xaafad waliba garoon u gaar ah yeelato.
Sidoo kale, waxa iyaguna soo dhoweynta Maayarka ka hadlay Dhalinyaradda xaafadan oo sheegay inay si weyn ugu baahan yihiin in garoonkan kubadda cagta ee xaafadda loo dhiso, isla markaana ay jiraan shakhsiyaad gaar iskaga shaqaysta oo xannibay in lagu ciyaarro.
Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelko) ayaa uga mahad naqay soo dhoweynta u sameeyeen iyo sida ay qoraxda ugu taagnaayeen, sidoo kale waxa uu ka hadlay warar sheegaya in Garoonkan kubadda ee ciyaalku ku ciyaaraan dad kale laga iibiyey kaas oo uu beeniyey, isla markaana uu amar ku bixiyey in meheradaha iyo geerashka ku jiraa ka baxaan si dhowaan loo bilaabo dhismaha Garoon weyn iyo Maktabad ay xaafaddu yeelato.
Maayarka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Aad baad u mahadsan tihiin dadweynaha xaafadan ee maanta oo layl qoraxda noo taagnaa, qof kasta oo dan gaar ah lihi maaha inuu dadlka xaajimeeyo, intiinaas oo taagan ayey dad gaar ahi doonayaan inay halkan (Garoonka xaafada) danno shakhsi ku qabsadaan,halkan cidi ku qabsan mayso, maanta halkan waxa laga dhigaya Garoon iyo maktabad ay xaafaddu leedahay, waxa lagu dhisaya mashruuc boqol iyo labaatan kun ah oo hay’adda UNHCR bixinayso, NDC fulinayso, waxaan leeyahay nin kasta oo doonaya inuu geerash ka dhigto ama meherad kale ka dhigto hungurigaaga dib u dhigo halkan ku noqon mayso waxaad rabto anigu noqon maayo ninka iibinay ee waxaan ahay ninka dhisaya, halkna cid kasta oo shakhsi u dhisatay waa laga rarayaa toddobaadkan gudihiisa, inta sanadkan ka hadhay baana la dhisayaa, kolka dhismqheeddu waa degdeg, intaas oo dhalinyaro ah iyo inta kacaysa ayaa iska leh iyaga loo dhisay iyaga garoon iyo Maktabadan looga dhisaya, waxayna noqonaysa meeshii xaafaddu ku shiri lahayd, horana waxay u ahayd danguud imikana dan guud ayaa laga dhisaya, sida codka noo siiseeen waxaan kaga dhabayna wixii aanu idin ballanqaaday wakhtigii ololaha, xisbiyadda mucaaradka waxaan leeyahay kuwo leh Hargeysa cod ka heli maayo madaxweyne Siilaanyo waad iska hadasheen ee Hargeysi horana madaxweyne Siiilaanyo ayey u siisay imika Axmed Siilaanyo ayey siinaysa Burcana codkeedda waxa iska leh Madaxweyne Siilaanyo waxaana la arki doonaa marka ay gaadho wakhtiga ololaha iyo doorashooyinka”
Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-Nac oo isna madashaaasi ka hadlay ayaa sheegay maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid wax badan uu qabtay, isla markaana ay hore u siiyeen shahaaddo sharaf ay ku maamusayaan waxqabadka uu caasimadda ka waddo.
“Garoonkan waxa igu dambaysay wakhtigii ololaha madaxweyne Siilaanyo, waxaana goobihii ugu taageeradda badnaa madaxweynaha, waxaana leeyahay sida uu maayarku idin ballanqaaday ee aad uga mahad naqdeen waxqabadkiisa ayaanu anaguna maalin dhowayd ku maamuusnay shahaado sharaf, waana maayarkii wax qabadka ee si fiican ula shaqeeya”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo ka tirsan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay guddida xaafadda iyo dhalinyartadd xaafadda kuwaas oo gebogabaddii shahaado sharaf Guddoonsiyey Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko.