Laascaanood, Somaliland, November 14, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) — Olole lagu baabi’inayo dhul si sharci-darro ah loo dhisay iyo jidadka xidhmay ayaa laga billaabay qaybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Ololahan oo ay waddo dowladda hoose oo kaashanaysa ciidamada amaanka ayaa baneeyay wado dhererkeedu gaadhayo 4-km oo dhinaca Koonfurta ka marta Laascaanood sida uu warbaahinta u sheegay agaasimaha waaxda dhulka ee dowladda hoose, Cabdirashiid Askar Jaamac.
Xogahayaha dawladda hoose, Cabdi Khayre Dirir ayaa wuxuu sheegay in hawlgalkan uu socon doono lix bilood, laguna banneyn doono dhismayaasha, ciidda, dhagaxa iyo guryaha KMG ah sida sandaqadaha iyo carshaanta laga dhistay waddooyinka dhexdooda.
Mar wax laga weydiiyay dhismayaasha daaraha ah ee lagu jaray jidadka wuxuu Cabdi Khayre sheegay inay calaamadinayaan una gudbinayaan maxkamadda oo go’aan ka gaadhi doonta.
Mas’uuliyiin ka socda maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay wasiir u dawlaha horumarinta gobollada Bari, Cali Axmed Maxamuud (Cali Sandule) oo hawlgallada ka hadlay ayaa xusay inay ka taageeri doonaan wax badan dawlada hoose ee Laascaanood, isagoo ku dhiirrigeliyay inaanay ka caajisin hawlaha lagu soo saarayo bilicda magaalada.
Hawlagalkan maaha kii ugu horreeyay ee dowladda hoose ay ka fuliso magaalada Laascaanood, balse waa kii ugu ballaadhnaa intii ay hayeen xilka oo labaataneeyo bilood ah.
Ugu dambeyn, dadweynaha degmada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay ololaha lagu banneynayo goobaha sharci-darrada loo dhistay iyo jidadka dhexmara magaaladaas.