Hargeysa, Somaliland, November 14, 2014(Codka Hargeysa / Saxafi) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si deg deg ah uga soo baxay Magaalada Burco xalay ka dib markii sida la wariyay uu dhareemay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Guddoomintiisa Wakiillada oo ka socda Hargeysa.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay u soo boqooleen Xarunta Dalka ee Hargeysa, Safarkan Guurada ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani xalay kaga soo baxay Burco ayaa wararku la xidhiidhaa waxaa ay intaas ku darayaan in uu ka sokow dhaqdhaqaaqa xildhibaanadda muxaafidka ah iyo xukuumadda oo u diyaar garoobaysa fadhi la filayo in golahaasi isugu yimaaddo Sabtida ay sheegayaan in uu ka dhashay wax ka bedal lagu sameeyay ciidankii ilaalada ahaa ee jooggay Xarunta baarlamaanka Somaliland.
Xisbiga Waddani ayaa sheegaya in Xukuumaddu ciidamo Cusub soo dhoobtay Xarunta Golaha Baarlamanka Somaliland, iyadoo gabi ahaanba laga qaaday Ciidamadii hore ilaalada uga ahaa Xaruntaas. Laakiin, sababta ciidankan kama ay hadal saraakiisha Booliska oo aanu xalay lafteedda qaarkood la xidhiidhnay.
Guddoomiyaha Wakiillada ayaa ka hor intaanu xalay u soo bixin Hargeysa, waxaa uu magaalada Burco ka sheegay in uu tuhunsanyahay ama uu jiro shir madaxtooyadda ka socday oo la doonayo in xilka Wakiillada lagaga qaado. “Golaha khilaaf kama jirro…waxaa jira khilaaf laga soo tahriibayay Xarunta madaxtooyadda. Ilaa maalintii aad Burco igu soo dhaweyseen Xukuumaddu shir bay u fadhiday….Laakiin, ma guulaysan doono awoodiinaanu ku baanaynaa awooda shacbiga ayaanu ku baanaynaa” Ayuu yidhi Ciro waxaana uu ku dooday in loo socdo in khalkhal la galiyo golaha Wakiillada.
Xukuumada Siilaanyo ayaan ka hadal arrimahan, sidoo kale Xildhibaanada Golahaas ee muxaafidka ah ayaan wax jawaab ah ka bixinin. Balse, fadhiyadda Golaha Wakiillada ayaa hore ugu baaqday Khilaaf golahaas hadheeyay oo ka abuurmay eedo Guddoomiyaha Wakiillada loogu jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka diiwaangalinta oo loo dhigay si ka duwan siddii Golahaasi ku ansixiyay., eedaas oo guddoomiye Cirro beeniyay dhowr jeer. Waxaana taasi galaafatay oo dib u riixday xattaa ansixintii Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaranka.