Cali Gurey Oo Ka Hadlay Shirqool Uu Sheegay In Uu Huwanyahay Inqilaab

0
408

Hargeysa, Somaliland, November 14, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) – Gudoomiye ku ku xigeenka 3-aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Gurey ayaa ka hadlay ciidankii ilaalada ee laga bedelay xarunta Baarlamaanka, isagoo tilmaamay inay arrimo hoose jiraan oo sabtidda lala maagan yahay gudoomiye Cirro.

“Inay waalatay, inay wajaqday, inay wareertay, inay wisiisiday, iyo inay wayraxday mooyaane wax baa jira sabtida. Waardiyihii baarlamanka siday u dhamaayeen waa la dareeriyay waxa lagu bedelay inamo si gaar ah loo balamiyay. Wixii dadka iyo dalkan dan ka lehow waa inoo sabtida iyo fashilinta SHIRQOOLKA INQILAABKA HUWAN iyo Geedkii Canjeel Talo Waa( Xarunta Baarlamanka)” ayuu ku yidhi Farriintiisa Cali Guray.