BALIGUBADLE- Dugsi Loogu Magac Daray Mujaahid Daahir Dubad Collow

0
345

Baligubadle, Somaliland, November 14, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) – Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobalka HAWD, Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xassan, ayaa munaasibad uu xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta gobalka HAWD, si rasmi ah ugaga dhawaaqay Dugsi loogu magac daray Allah ha u naxariistee Mujaahid Daahir Dubad Colow, oo ahaa saraakiishii sarsare ee Urrurkii SNM.

Guddoomiyaha oo weheliyo Guddoomiyaha Waxbarashadda ee degmada Balligubadle Axmed Cali Muuse, ayaa kormeer ballaadhan ku soo maray Dugsiyadda dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Gobalka HAWD doraad, isla markaana xilkii u kala wareejiyay maamulihii hore ee dugsiga hoose dhexe ee gobalka HAWD, iyo maamulha cusub ee lagu badallay.

Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobalka HAWD, oo oo ka hadlay madashii xil-wareejinta ayaa si mug leh u ugu dheraaday baahida xoogga leh oo loo qabo in si hagar la’aan ah la iskaga kaashado horumarinta waxbarashadda Gobalka, waxaanu daboolka ka qaaday in Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclliinta sare ee Somaliland, ay go’aamisay in laga bilaabo  13/09/2014, Dusgiga Hoose dhexe ee ku yaalla xarunta gobalka HAWD, ee Baligubadle, loo bixiyo oo loogu magac daray magaca Allah ha u naxariistee Mujaahidkii weynaa ee ka midka ahaa ha-ldoorkii halyayaddii geesiyaasha ahaa ee Urrurkii SNM, ee ku shahiiday dagaaladii dib u xoraynta dalka ee SNM, ee sababta u ahaa xoriyadda ay Somaliland maanta ku naaloonayso Mujaahid Daahir Dubad Collow, waxaanu Mujaahid Daahir Dubad Collow, ahaa sarkaalkii Labaad ee ka tirsanaa saraakiishii Urrurkii SNM, ee ku shahiidda halgankii hubaysnaa ee ay ciidamadii SNM, kula jireen ciidamadii dawladdii kali-taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, waxaana ka horeey Allah ha u naxariistee Mujaahid Xasan Saleebaan Maxamed, oo ahaa sarkaalkii u horeeyay ee ku shahiida halgankii Urrurkii SNM.

Allah ha u naxariistee, Mujaahid Daahir Dubad Collow, waxa uu shahiiday Magaalada Baligubadle, taariikhdu markay ahayd Bishii August, sannadkii 1983-kii, xilligaas oo uu Mujaahidku hogaaminayay ciidamo ka tirsan Urrurkii SNM, oo weerar hubaysan ku soo qaaday xilligaa ciidamadii dawladii milatariga ahayd ee kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, ee daganaa saldhigyadii xuduudda ee Balligubadle ,oo ahayd goobtii uu ku shahiiday Mujaahidku, sidaa daradeed, Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobalka HAWD, waxa uu bayaamiyay in hadda laga bilaabo si rasmi ah magaca dugsigaa loogu wanqalay Dugsiga Hoose Dhexe ee Mujaahid Daahir Dubad, sidaasna uu ku dhaqan galay.

Waxaanu Guddoomiyuhu, kula dardaarmay maamulaha cusub ee dugsiga in uu si xawli ah u dardar geliyo horumarinta waxbarashada dugsiga ,waxaanu Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobalku uu si weyn ugu dheeraaday qiimaha ay waxbarashaduu u leedahay nolosha horumarka aadamaha, isaga oo ugu baaqay guud ahaan qeybha kala duwan ee bulsho weynta gobalka ku nool gudaha iyo dibadaba in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan sidii loo dardar gelin lahaa ka midho dhalinta hawlaha lagu horumarinayo waxbarashada Gobalka.

Guddoomiyaha Gobalku, waxa uu madashaa si qoto dheer uu uga waramay taariikhdii iyo geesinimaddii gaarka u ahayd ee lama illaawaanka ahayd ee Mujaahid Daahir Dubad Colow, oo ahaa tiir ka mid ah tiirarkii Urrurka SNM, isaga oo tibaaxay in taariikhdii Mujaahidka la soo Urrurin doono oo la qori doono hadii Allaha Awoodda sare lihi ogolaado.

Ugu danbaybtii, Guddoomiyaha Waxbarashada ee Gobalku waxa uu mahad-naqay Wasiirka Waxbarashada Iyo Taclliinnta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanu sidoo kale shaca ka qaaday in dugsiyadda kale ee ku yaalla gobalka ay ugu magac dari doonaan dhawaan Magacyadda Mujaahidiintii waawaeynaa ee SNM, ee ku suntanaa taariikhda halgankii SNM.