Maxaa Lagu Xussusan Doonaa Cabdillaahi Cukuse Oo Ah Saxafigii U Horeeyay Ee Noqda Wasiirka Warfaafinta Somaliland- Qalinki:i C/qadir M Ciid (Baay)

0
345

Xuska munaasibadda 16-guuradda ka soo wareegtay maalinta Saxaafadda Somaliland iyo Xoriyatul qawlka oo ku beeganayd Sagaalkii bishan ku jirno oo lagu suntay maalintii u dhintay Allah ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shidde, oo ka mid ahaa halyayaddii dhidibadda u taagay xoriyatul qowla iyo saxaafadda madaxa bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo sannad walba dalka laga xuso ayaa si baaxad leh looga xusay guud ahaan Somaliland gaar ahaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyay Urrurka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu qabtay Hutelka Xaraf, ee Hargeysa, waxaana  ka soo qeyb galay Boqolaal isugu jiray Mulkiilayaasha, Tafatirayaasha, Wariyayaasha iyo hawl-wadeenadda saxaafada madaxa bannaan ee Somaliland oo dhan, Saxafiyiin, Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin magac iyo miisaan culus ku dhex leh dadka iyo dalka Somaliland oo ka kala socday Madasha Wad-tashiga, iyo Xisbiyadda Mucaaridaka mucaaridka Somaliland ee WADANI iyo
UCID. oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Urrurka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamedrashiid Muxumad Faarax, Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac, Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), Muj Xassan Guure, Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Prof Cabdirashiid Xassan Mataan, Dr Maxamed Cismaan Fadal, iyo
masuuliyiin kale oo aad u tiro badan, waxaanay dhamaan masuuliyiintii xuska madashan ka hadashay ay si qoto dheer u faahfaahiyeen marxaladihii kala duwanaa ee ay saxaafadda Somaliland soo martay iyo marxladda adag ee ay maanta marayso, iyo tacadiyadda, xadhiga, iyo cabdudhinta qerul sharciga ah ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacdo saxaafadda madaxa bannaan iyada oo xukuumadda talada haysaa ay noqotay xukuumaddii kali ahayd ee intii ay hogaanka dalka haysay ee soo marta Somaliland ee albaabada u xidha Saddex Wargeys oo madax bannaan, isla markaana xidha tiradii wariyayaasha ahaa ee abid lagu xidho Somaliland. isla marakaana ay xukuumaddu caadaysatay gabood falyo joogto ah oo lagula kaco saxaafadda bannaan.

Hadaba, xuska munaasibaddan oo ku soo beegantay xilli ay talada dalka weli hayso xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo muddadii ay hogaanka dalka haysay xidh-xidhay tiradii ugu badnayd ee wariyayaal ah ee xabsiga loo taxaabo kuwaas oo tiradoodu ay ku dhawdahay Saddex Boqol oo Wariye, taas oo ka dhigaysa xukuumaddii ugu badnayd abid ee soo marta Somaliland ee xabsiga dhigta wariyayaal madax banaan iyo muwaadiniin loo xidho fikirka ay aaminsan yihiin.

Sidoo kale, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa ay noqonaysaa xukuumadii ugu horaysay ee Somaliland soo marta ee si qeyrul sharci ah  albaabadda u xidha Seddex Wargeys oo madax bannaan, kuwaas oo kala ah Haatuf, Hubaal, iyo Somaliland Times, waxaana sidoo kale si isdaba joog ah u soo noqnoqda hanjabaada iyo hatigaada ay xukuumaddu ku hayso dhammaan qeybaha kala duwan ee saxaafadda madaxa bannaan, sida Wargeysyadda, Telifishinadda, iyo Website-yadda, iyada oo ay u danbaysay gabood falyaddii ay xukuumaddu kula kacday Mulkiilaha Telefishanka caalamiga ah ee Horn Cable Tv.

Daruufaha naxdinta leh ee ku gadaaman saxaafadda madaxa bannaan iyo xoriyatul qawlka Somaliland, ka sokow, waxa xusid mudan Wasiirka Warfaainta ee Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo ah Wasiirka kaliya ee Suxufiga aha ee noqda Wasiirka Warfaafinta Somaliland, oo maalintii uu Madaxweynuhu magacaabay ay si weyn u soo dhaweeyeen Saxafiyiinta Somaliland, maadaama uu ahaa Saxafi Wasiir Noqday oo si fiican u garanaaya shaqada warbaahinta iyo dadka ka shaqeeya labadaba, isla marakaana uu xog-ogaal u ahaa xilliga maanta la joogo iyo mid horaba, si fiicana u ogsoon dhibaatooyinka iyo duruufaha adag ee ay saxaafadda dalkeennu la deriska tahay shalay iyo maantaba, oo aanay wax ku seegani jirini, iyaga oo saxafiyiinta Somaliland, u arkaayay in Wasiirku uu wax badan ku soo kordhin karo wax ka qabashada xalaadaha adag ee soo wajaha Saxaafiyiinta, sidaa daraadeed, waxa biyo kamma dhibcaan ah in Wasiir Cukuse, uu ku guul daraystay waxqabadyadii laga
filayay oo dhan isaga oo hal bacaad lagu lisay iyo dhalanteed ka dhigay horumarkii ay ka sugaysay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland. Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa uu noqday Wasiirkii u horeeyay ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland soo mara ee mudaddii
uu xilka hayay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay albaadda u laabto Seddex Wargeys oo madax bannaan, lana xidho tiradii ugu badnayd abid ee wariyayaal ah.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa ay saxafiyiinta Somaliland ka filayeen in aanu kala dhawaysan saxaafadda ay xukuumaddu maamusho iyo ta madaxa bannaan ee uu isaga iyo Wargeyskiisu ka mid ahaayeen ka hor intii aan xilka loo magacaabin, Wasiirku  waxa uu Illoobay oo uu si cad u dafiray in uu labadaba Wasiir u wada yahay. Sidoo kale, waxa wakhti xaadirkan aynu joogno si weyn u soo if-baxday kalsoonidii laga filayay Wasiirka ee ahayd in uu kalsooni ka dhex abuuro khilaafka ka dhaxeeya saxaafadda madax bannaan iyo xukuumadda, waxaanu sida runta ah uu Wasiirku lumiyay kunna guul daraystay in uu isfaham ka dhex abuuro xukuumadda iyo saxaafadda xorta ah si loo helo aayatiin ay dadka iyo dalkuba u aayaan, Wasiirkana dhaxalsiisa taariikh wanaagsan oo uu ku
suntanaado.

Ugu danbayntii, Wasiir Cabdillaahi Cukuse, waxa uu meesha ka saaray in uu tub cusub u jeexo saxaafadda si looga baxo duruufaha maanta ku gadaaman, waxaanu Wasiirku illoobay in aanay saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland u arkayn una qiimaynayn sidii ay u arki jirtay una qiimayn jirtay Wasiiradii Warfaafinta ee isaga ka horeeyay, waxaana muuqata oo meesha ka baxday tuhunkii ay saxaafadda madaxa bannaani ka qabtay in uu Wasiir Cabdillahi Cukuse wax weyn oo taariikhda gala oo lagu xasuusto uu ku soo kordhin doono taas oo tuhinkii laga qabay u badali karta hungo.

Hadaba, Wasiir Cabdillahi Cukuse, oo xukuumadda uu ka tirsan yahay ay mudaddeedii gabaabsi tahay, weli waxa uu haystaa wakhti yar oo hadii uu Illaahy garansiiyo uu ku kasban karo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusto.

Qalinkii: Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
himilo_10@yahoo.com
Hargeisa/Somaliland