Faaqidaad: Xanuunadda Xukuumaddaha Laaya Oo Ku Fiday Maamulka Siilaanyo!

0
341

“Kursigu wuxuu leeyahay Saaxiibo xun-xun oo isaga uun yaqaana ee aan qofka ku fadhiya u danyn’ Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin

Kaahin-1

 

Xukuumaddaha laguma jeclaaddo kalliya inay arrimaha qaarkood wax ka qabato, lagumana naco in aanay baahi kasta ka jawaabin ama in aanay waxbaba qabanin. Laakiin, wax ka badan intaas ayaa jira oo aanay Xukuumadda uu hoggaamiyo Axmed Siilaanyo fahmin. Tii ka horaysayna galaafatay, Waxaana aad mooddaa inay la yaaban tahay illaa hadda sababta dadka ka hor keentay oo waxay tabarteedii oo dhan isugu geysay inay is difaacdo, laakiin, isma ay weydiin inay raaddiso halka uu yaalo eelka kacdoonku.

In kasta oo aanay wax badan oo lagu amaano ka qaban addeegyada bulshada si weyna uu uga muuqdo wali ficilkeedda musuqmaasuq baahay, Eex iyo cadaalad daro haddana, dedaal kuma yarayn oo itaalkeedda waa ay sameysay isku dayo badana. Balse, meelaha tabashooyinka ugu waa weyni ka jiraan maaha halkaas xukuumaddu ka dayayso. Balse, dagaalka ugu weyni waxaa uu kaga socdaa gudaheedda oo waxaa ku fidday xanuunkii ridi jiray xukuumadaha oo ah hawlwadeenadda dawlad ku noosha ah ee ka fogeeya tallo kasta oo hufan hoggaamiyayaasha, islamarkaana sidda fayrasku ulla fal-gallo unugyadda Jidhka ee u naafeeyo u burburiya nidaamka jira.

Haa, Saynisyahanadu marka ay sharaxayaan sidda uu Jidhka u naafeeyo Fayriska HIV-gu waxaa ay ku matalaan qofka dawlad. Waxaana ay sheegaan in dawladdaas laameheedii sahanka iyo difaaca oo dhan uu si sahal ah uga mid noqdo ugana dhigo hawlgab.

Marka qalinku siddan leeyahay waxaa uu ka hadlayaa oo akhristayaashu ka marag kici doonaan dad badan oo dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland la soo shaqeeyay oo dhamaantoodna iyagoo is leh shaqooyinkiina ilaashadda meel xil leh dhigay Xukuumaddii hore iyo tanba, kuwaas oo ay taageerayaal shakhsiyaad la nooc ah oo hadda jaaniskaas helay oo siddoodii u dhaqmaya, islamarkaana ka fekera kaliya caloosha. Waa dad aan la kala dhex marin dawladaha oo markaba isku xeera ka ilaaliya in xog rasmi ahi gaadho hoggaamiyaha, iyagoo wax kasta ugu dhiga sidda ay dantu ugu jirto iyagga markaas, dadka nasteexa ahna uga dhiga cadowga koowaad.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dhawaan mar uu dalka ku sugnaa wariyayaal la kulmay sheeko dhexmartay ku qiray arrintan aan ka hadlayno. Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi maalintaas.“Kursigu wuxuu leeyahay Saaxiibo xun-xun oo isaga uun yaqaana ee aan qofka ku fadhiya u danyn. kana hor joogsada inta fiican oo kaga gudban..Laakiin, qofku marka uu ka taggo xilka ayaa sida yoomal-qiyaamaha marka la joogo dadku u arkayaan danbi wixii ay galeen iyo wixii khayr ahaa ee ay soo sameeyeen ayaa qofkuna marka uu xilka ka taggo uu arkaa talooyinkii uu qaadan waayay iyo khaladaadkiisii” ayuu yidhi.

Aan hore u sii durugno’e, dhaqan ahaan, maamulaha wanaagsani waa ka la socda  axwaasha dadkiisa guud ahaan, gaar ahaan ka bilaaba shaqaalaha uu madaxda u yahay ee kala yaqaan kan u qalma Abaal-marin iyo ka isu ekaysiiyay ee Fayruska ah. Waa hoggaamiyaha la doodda ee shaqaalaha, dadweynaha iyo saxaafaduba u bandhigi karaan  fikradaha waxtarka leh ee aan isla weynaanin ama guul-wadayaashu ku qufulin ma khaldami kartid.

Waa badan yihiin qodobada lagu qeexo ee Hoggaamiye laggama maarmaanka u ah. in xog badani ka maqantahay Madaxweyne Siilaanyo oo guulwadayaashii majara habaabiyeen ama uu isaguba ka helay dhaqankoodda oo aanu rabin wax ka qash qashaadda waxaa cadayn u ah..waxaa uu cadowgiisa koowaad u haystaa saxaafadda oo aad looga fogeeyay ilaa maalintii la doortayna shir-jaraa’id oo toos su’aalo furan oo waqti qaata looga weydiiyo muu bixinin, aad baana looga ilaaliyay waana ta keentay inuu shalay ka hadlo dhaliilihii loo soo jeediyay Xuskii Maalinta shuhadada ee 17-kii October, ninkii xoggogaalnimadiisa iyo aftahamadiisa la yaabi jiray…waa ta keentay in lala barbar cararo xuskii Saxaafadda oo looga dhigo SOLJA iyo akhyaartii ay casuuntayba Caruur iyo Juhallo is urur satay…maxaa ka xumaan lahaa haddii uu yimaado oo yidhaahdo xantu ma fiicne, nin walowba sheeg dhaliisha aad qabto. Isaga oo mucaarad ah sowkii awoodday inuu dhaliil kasta iska difaaco ugu yaraan iyo inuu waliba dad kasbado maxaa maanta u diiday haddii aan la hareerayn…waxaan faaladdan Waxaa guul-xumeeyayaashu isu direen oo ciidamadda ka hawl-galla Saldhiga dhexe oo dhami ka shaqeynayeen Boodh kooban oo ururka Solja kaga hadlayay labada Wargeys ee HAATUF iyo Hubaal oo xidhan iyo laba Wariye. Kuwaas oo la sudhay maalin ka hor. goorma ayaa dhaliishu noqotay dagaalka, waxaa  taas ka daran qof kasta oo ciidankaas boodhka meesha sudhan lagu cadibay ag marra ama wariyaha Isku daya in uu sawiro cagta marinayay ciidan balan-san oo xaalad abuur ah qudhooddu. Haa, Tifaftiraha Warigeyska Saxafi Mustafe Sheekh Cumar Geeddi ayaa ka mid ahaa ugu yaraan saddex qof oo ay gacanta ula tageen laba ka mid ahna ay xidheenba…Waxaynu ku gunaanadi qormaddan kooban su’aasha ah ma laga yaabaa in guul-dilayaashu cimriga kooban ee u hadhay Maamulka Siilaanyo kordhin iska daaye dadejiyaan?  Mase laga yaabaa in Siilaanyo ugu danbaysta siddii Daahir Rayaale ku baraarugo oo Qaranka ka badbaadiyo?