Ururka SORDA oo Tartan-Suugaaneed Wacyigelinta Tahriibta ah soo gebo-gabeeyey

0
267

HARGEYSA (CH)- Tartan-Suugaaneed uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta iyo Cilmi-baadhista SODRA, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo ay ujeeddadiisu ahayd wacyigelinta Suugaaneed ee Tahriibka iyo dhiirrigelinta dhalinyarada Hal-Abuurka ah ee reer Somaliland.

Tartan SuugaaneedMunaasibaddii Tartan-Suugaaneedkaas lagu soo gebo-gabeeyey oo caawa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, Agaasimayaal guud, Abwaanno, Hal-Abuurro, iyo Dhalinyaro Suugaan-yahanno ah, waxaana tartankan ka qaybgalay oo loo qabtay Toban Hal-Abuur oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ku tartamayay Suugaantooda la xidhiidha wacyigalinta Tahriibka.

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta iyo Cilmi-baadhsita SORDA Axmed Shaqale oo kulankaasi ka hadlay, ayaa ka warramy ka urur ahaan sida ay u wacyigaliyaan dhalinyarada Reer Somaliland, waxaanu tilmaamay inay u taaganyihiin sidii dhalinyarada Somaliland gacmaha isku qabsan lahaayeen, shaqooyinna loogu Abuuri lahaa. Waxaanu intaas ku daray inay tartankan muddo badan niyadda ku ahayeen, Illaahay mahaddiina ay tahay inay hadda uun ku guulaysteen oo uu si wanaagsan ugu qabsoomay.

TARTANKA SUUGAANTA WEEYENada Yuusuf Cumar oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka SODRA, ayaa faahfaahisay aas-aaska Ururkan iyo waxa uu u taagan yahay iyo intii uu jiray guulaha uu gaadhay, waxaanay u mahad-celisay cid kasta oo kala qayb-qaadatay hirgelinta Tartankan iyo guud ahaanba Sal-u-dhigidda Ururkan oo ay sheegtay inuu dhalinyarada muhiimad ugu fadhiyo.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo tartan Suugaaneedkaasi furey, ayaa dhalinyarada waxa uu kala dardaarmay dhibaatada Tahriibka iyo dal-ka-cararka, waxaanu u mahad-celiyay Ururkan soo qaban-qaabiyay Tartan-Suugaaneedkan dhalinyarada lagaga wacyigalinayo khatarta tahriibka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdi Casiis Maxmaed Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Boqollaal dhalinyaro ah oo iyagu iska wacyigalinaya khatarta tahriibka, isla markaana waxa uu ballan-qaaday Abaalmarinno uu sheegay inuu guddoonsiin doono tobanka Hal-abuur ee ku tartamayey Tartan-Suugaaneedkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid, ayaa sheegay inuu tobonka Hal-abuurba siinayo waxbarasho Jaamacadeed oo bilaasha, waxaanu sheegay inay ku mutaysteen dareenka ay kula hadlayaan dhalinyaradooda ee ay kaga wacyigalinayaan khatarta tahriibka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo ah Qoraa Hal-abuur leh oo Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhalinyarada Somaliland leedahay mustaqbal ifaya iyo Suugaan-yahan beddelay kuwoodii ka baxay, waxaanu intaas ku daray inay tobonka Hal-abuur ku wanaagsan yihiin Mawcduuyada iyo Badaha Suugaanta ee ay dhex-mushaaxeen.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo kulankaasi ka hadashay, ayaa sheegtay inay dhalinyaradan iyo Ururka SODRA-ba ku ammaanan yihiin inay dhalinyarada wacyigalinayaan, waxanay sheegtay in qof kasta oo dedaala oo dalkiisa joogaa horumar gaadhi karo, isla markaana waxay ku boorrisay dhalinyarada inaanay ka daalin wacyigalinta dhalinyarada ee khatarta tahriibta iyo ku-nagaynta dalkooda ku saabsan.

CODKAHARGEYSA.COM

Codkahargeysa [at] gmail.com