Hargeysa (CH)- Kal-fadhiga 26-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo sida ballantu ahayd furmi lahaa 8-da November oo Sabtidii maanta ku beegnayd, ayaa baaqday, iyaga oo Mudanayaasha Goluhu soo dhammaystay Fasaxooda caadiga ah oo ay ku maqnaayeen muddo 45 maalmood ah, waxaanu furitaanka Kal-fadhigani u baaqday go’aan ay Shir-guddoonka Wakiilladu isla gaadheen.
Furitaanka Kal-fadhigan Sabtidii maanta baaqday, ayaa Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay go’aan Shir-guddoon dib ugu dhigeen muddo toddobaad ah, isla markaana uu Kal-fadhiga 26-aad si rasmi ah u furmi doono 15-ka Bishan November ee aynu ku jirno oo ku beegan Sabtida toddobaadka soo socda.
Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo Warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay in sababta furitaanka Kal-fadhiga 26-aad u baaqday ay tahay go’aan ay Shir-guddoon ahaan isla gaadheen, waxaanu yidhi; “Shir-guddoon ahaan markaanu isla eegnay waxaanu isla garannay inaanu qorshe-hawleedkii kalfadhiga dhammaystirno afarta cisho ee soo socda, markaa sidaas ayaanu u baajinnay afartii maalmood ee la fadhiisan lahaa, waxaanu si rasmi ah u furmayaa Goluhu hawshiisiina u bilaabanayaa 15-ka bishan.”
Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey in sababta keentay dib-u-dhac ku yimi kalfadhigu tahay khilaafka sharciyeed ee mudaneyaaasha goluhu isku-hayaan, waxa uu ku jawaabay, “Anigu uma jeedo khilaaf weyn oo sababi kara sidaasi inay dhacdo, laakiin hawshii aanu qaban lahayn kalfadhiga soo socda qorshaheedii baanu ku jirnaa, waananu wada samaynaynaa shir-guddoon ahaan, sidaasaanu isku waafaqnay oo aanu dib ugu dhignay annaga oo wada-jirna.”
Isaga oo hadalkii sii watay, waxa uu yidhi, “Waan ka xumahayoo intani ugu badnaan lix cisho ka badan mayso, waxaan filayaana lixdaas cisho inaanay qaranka waxba yeelayn, waxa ka fiican in qorshe wanaagsan la sameeyo, goluhuna uu qorshahaas ku furmo haddii Illaahay ka dhigo.”
Mar la weydiiyey Kalsoonida uu ku qabi karo in kalfadhiga Goluhu furmo wakhtiga loo muddeeyey, waxa uu yidhi, “Kalsooni buuxda oo boqolkiiba boqol ahbaan ku qabaa inuu furmayo goluhu Sabtida soo socota 15-ka bisha, lana ansixiyo Komishanka wakhtiga ugu horeeya ee Ajandaha la ansixiyo.”