Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Oo Si Kulul Uga Hadlay Falkii Lagula Wareegay Guriga Guddoomiyaha HCTV‏

0
267

London (CH)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si kulan uga hadlay tallaabada xukuuumaddu gurigii uu ku jiray oo ku yaala xaafadda Shacabka ugala wareegtay mulkiilaha telefishanka Madaxa-bannaan ee HCTV Farxan Xaaji Cali, kaas oo xalay ciidamo ka tirsan RRU-du ugu daateen guriga, saaka subaxdiina loogu soo toosay iyaga oo gaadh ka haya guriga dhexdiida.

Ciidamadan oo saaka lagu war-helay iyaga oo gudaha ugu jira deyrka guriga Mulkiilaha Telefishanka HCTV oo ah guri dawladdu hore u lahaan jirtay oo uu iibsaday, ayaa ku amray isaga iyo qoyskiisa inay isaga baxaan, amarkaas oo ay u hoggaansameen iyaga oo far-madhnaan gurigooda kaga baxay.

HALKAN KA KA DHEGAYSO WAR-MURTIYEEDKA JAMAAL CALI XUSEEN.