HARGEYSA (CH)- Jaamacada ADMAS ayaa Imtixaan heerkooda aqooneed lagu tijaabinayey laguna ogaanayey inay u qalmaan waxbarashada Kulliyadaha Jaamacadda, waxa ay ka qaadday Arday tiradoodu dhan tahay 1,223 Ardayda sannad-dugsiyeedkii hore dhammaystay Waxbarashada Dugsiyada Sare ee dalka, kuwaas oo sanadkan ku biiraya Jaamacadaasi.
Imtixaanka Ardaydu fadhiisatay ayaa kala ahaa luuqadda English iyo Maaddada Xisaabta oo hawl-bowle u ah Aqoonta Kulliyadaha kala duwan ee Waxbarashada heerka Jaamacadeed.
Maamulka Jamaacada ADMAS, ayaa sheegay inay Jaamacad ahaan Ardaydaas ka qaadanayaan 850 arday oo ah kuwa ku guuleysta Imtixaankaasi, waxaanay sheegeen in dhammaan ay hubiyeen in ardaydaasi yihiin kuwii ku guuleystay Imtixaankii Shahaadiga ah ee ay Dugsiga Sare, isla markaana ay wasaarada Waxbarashadu ka qaadday.
Sidoo kale, maamulku wuxuu sheegay in Kuliyado Cusub ay ku soo kordhiyeen Jaamacadda, isla markaana ay kuliyadihii hore ee Jaamacaddu diyaar u yihiin qaadashada Ardaydan cusub ee ku biiray jaamacadda Admas, loona diyaariyey Fasaladii ay wax ku baran lahaayeen isla markaana ay u dhamaystiran yihiin agabkii waxbarashadoodu ku xidhand.
Ardayda Imtixaanka u fadhiistay ayaa marka ay ku Guuleeystaan waxay ku kala biiridoona Kuliyadaha kala ah Ganacsiga, Dhaqaalaha, Maamulka iyo Maareeynta, Xisaabadka, Suuq Geynta, Kuliyada Siyaasada iyo Xidhiidhka caalamiga ah, Kuliyada Tignoolajiyada, Kuliyada Waxbarashada, Kuliyada Dhismaha iyo kuliyado kale oo fara badan.
Ardaydan Imtixaanka laga qaaday ayaa ah tiradii ugu badnayd ee codsata inay wax ka bartaan Jaamcadda ADMAS, gaar ahaan faraceeda Somaliland.
Kulliyadaha ardaydu isu-diiwaangeliyeen inay wax ka bartaan ee Jaamacaddu sannadkan u diyaarisay ardayda, ayaa kala ah sidan::
Faculty of Business
BBA In Accounting & Finance
BBA in Management
BBA In Marketing
Faculty Of Economics
BA In Economics
BA In Rural Development
Faculty Of Social Science
BA In International Development Studies
BA In Sociology & Social Work
BA In Political Science & International Relations
Faculty of Informatics
BSc In Information & Communication Technology
BSc In Computer Science
Faculty Of Engineering
BSc In Architecture & Urban Planning
Faculty of Education
BEd In Educational Planning & Management.