Dawladda Hoose oo baafinaysa Mulkiilayaasha in ka badan 40 neef oo laga Ururiyey Suuqyada Caasimadda

0
326

Hargeysa (CH)- Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa olole ay xalay ka sameeyeen jidadka faras-magaalaha iyo Suuqyada waaweyn ee Caasimadda ku raafay lo’ ku dhex nool isla markaana habeenkii u hoyata jidadka caasimadda, iyaga oo ka digtay haddii dadka xoolaha iska leh ka waantoobi waayaan xoolaha suuqa lagu sii dhex-daynayo inay dawladda hoose kala wareegi doonto mulkiyaddooda.

lo'da (1)Ololaha oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Arrimaha Bulshadda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yusuf Cali, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawl-gal xalay laga fuliyey suuqyada gobobinimo, Waaheen iyo jidadka magaalada, halkaas laga soo ururiyey in ka badan 40 neef oo lo’ ah, kuwaas oo lagu xereeyey goob dawladda Hoose ugu talo-gashay, halkaas oo lagu haynayo inta ay soo doonanayaan dadkii dhaqashadooda iska leh.

Agaasime Khadar iyo xildhibaannada Golaha deegaanka Hargeysa qaarkood oo maanta warbaabinta kula hadlayey Xero ay ku jiraan in ka badan 40 neef oo lo’ ah, ayaa sheegay in ciddii ku soo doonan wayda bixin wayda ganaaxa lagu soo rogay ay dawladda kala wareegaysa isla markaana neefkii mar labaad la qabto lagu wareejin doono dadka xannuunka dhimirku hayo ee ku jira cisbitaalka Hargeysa.

lo'da (2)“Waxaanu xalay  Sagaalkii habeenimo ilaa barqadii maanta wadnay olole magaaladda lagaga saarayo Lo’da magaalada dhexdeeda lagu soo daayo, waxaananu ka soo bilownay Suuqa Gobonimo ilaa Suuqa Dhexe ee badhtamaha magaalada ilaa xaafadaha dhexdeedda, hadda waxa xeradan ku jirta 48 neef oo Lo’ah,  runtii lo’daasi waxa ku jira Weylo yaryar kuwaas oo caado laga dhigtay inta iyagoo yaryar la iibsado magaalada dhexdeeda lagu koriyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Arrimaha bulshada ee Dawladda Hoose.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddaba, dadkii lahaa lo’da digniino badan oo hore waanu siinnay oo waa la dhagaysan waayey immika waanu ugu celinaynaa, waxa xoolaha ku nool magaalada laga soo saaray xeer iyo sharci ah in xoolaha marka hore la qabto oo la shaanbadeeyo haddii mar labaad la qabtana dawladdu la wareegto.”

Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah guddida Arrimaha bulshada Golaha Deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa digniin u jeediyey dadka iska leh Dhaqashada Xoolaha magaalada laga dhex qab-qabtay, waxaanu yidhi, “Hadda waxaan joognaa goobtii xoolaha lagu ururiyey, mudadaasi gaaban cidii ku iman wayda waxa lagu wareejin doonaa dadka dhimirka qaba oo loo qali doono, waxaana laga yabaaa inuu Illaahay u qoray in nin dhimirka wax ka qabo uu neefkani calafkiisa noqdo oo uu ku xanaaneeyo.” 

“Berigii hore xeer may lahayn laakin imka xoolaha magaalada  ee la qabto xeer baa laga soo saaray, waxaana la ansixiyey fadhigiii 4aad ee fayo-dhawrka, waxaanay xoolahani noqdeen kuwo sida dadka u nool oo cuntadii cunaya  oo daaqii loo dhigay aan cuneyn, waxay doonaayaan cuntooyinkan dadku cunaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Shahar.

CodkaHargeysa.com

codkahargeysa [at] gmail.com