Borama (CH)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye), ayaa Khamiistii shalay xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loogu talo galay in haweenka laga daweeyo xannuunka Fistula oo ay maal-galisay hayada World Vision, kaas oo lagu kordhiyey Cisbitaalka heer qaran ee Fistulaha ee magaalada Boorama.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo xadhig-ka-jarista dhismahan loogu qabtay Cusbitaalka, ayaa waxa ka qayb-galay Saraakiisha ugu sarreysa hay’adda World Vision, Masuuliyiinta gobolka, kuwa dagmada, dhakhaaatiir, culima-Awdiin, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.
Dr. Ibraahim Siciid Qaws oo ku hadlayey magaca cusbitaalka oo halkaas weedho kooban ka jeediyey, ayaa hay’adda World Vision uga mahad-naqay hirgelinta dhismaha lagu kordhiyey Cusbitaalka Daaweynta Xannuunka Fistullaha oo horumarkiisu heerar kala duwan soo maray, kaas oo wakhtigan ah xarunta ugu balaadhan ee lagu daweeyo xannuunka Fistula guud ahaan geyiga Soomaalida.
Dr. Siciid Axmed Walhad oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee Somaliland isla markaana ka hawl-gala cusbitaalkan, ayaa sharraxaad ka bixiyey heerarkii cusbitaalku soo maray iyo marxaladda uu wakhtigan ku sugan yahay. Waxaanu yidhi, “Waxa aan cisbitaalkan aasaasnay sanadkii 2008-dii, waxana aasaaskiisa keenay inaan dareenay duraafaha adage ee takoorka bulshada dhexdeeda ah ee ay ku nool yihiin haweenka uu asiibo xanuunka Isku-furanku, intii intaas ka ka dambaysay waxa aan ku qalnay haween kor u dhaafaya 1500 oo qof oo gabi ahaantoodba xanuunka ka bogsaday, bulshadna dib ugu laabtay, kuwaas oo ka kala yimid meelaha afka soomaaliga lagaga hadlo, waxa kale oo ka mid ah guulaha aan gaadhnay inaan xanuunka ka tirtirnay gobolada galbeedka dalka, isla markaana aan tababarnay jiil cusub oo bahda caafimaadka ah oo xanuunkan la tacaala iyo haween badan oo umulisooyin ah oo goobaha miyiga ah ee dalka ka hawl gala.”
Nimco Iid Axmed oo ka socotay haya’dda World Vision oo iyaduna hadallo kooban ka jeedisay madasha, ayaa tidhi, “Tan iyo 2006-dii ayay hay’adda World Vision ka shaqaynaysay dhinaca dawaynta iyo daryeelka haweenka qaba xannuunka Fistula, waxaana aan la shaqaynayna cisbitaalkan, waxana noo farxad ah in aan maanta dhismaha Waadhkan ku kordhino xaruntan. Runtii, waxana aan ka marag kacayaa in hawsha uu hayo cibitaalkan Fistula ay tahay mid meel mar ah isla markaana ay taasi daliil u tahay inay xafladdan nala joogaan haween da’yar ah oo ka bogsaday xanuunkan kadib markiii uu cisbitaalkani ka daweeyay.”
Masuul ku hadlayay magaca hay’adda TAAKULO Somaliland Community oo waadhka la dhisay qalabeeyay, ayaa soo dhaweeyay ahmiyada uu cisbitaalkani leeyahay, waxaana uu ka markhaati kacay in baahida loo qabo in xanuunkan Fistula bulshada laga dabar jaraa ay tahay mid loo baahan yahya in si wada-jir ah laysaga kaashado.
Madaxa hay’dda World Vision ee Somaliland Kanchora Halake oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in guul laga gaadhay mashruuca la-dagaalanka xannuunka Festulaha, dawaynta iyo daryeelka haweenka uu ku dhaco, waxaanu uu intan ku daray inay aad ugu faraxdan yihiin wada shaqaynta ay la leeyihiin xaruntan, hay’ad ahaan-na ay u mahad-celinayaan deeq bixiyayaasha maalgaliyay dhismahan iyo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Md. Salebaan Xaglo-toosiye oo uu xusay inuu yahay wasiir ay ka go’an tahay dardargalinta hawlaha dhinaca caafimaadka ah ee dalka ka socda
Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Maayar ku xigeenka mgaalada Boorama Md. Maxamed Maxamuud Faarax, Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi, haweenay ka socotay Wasaraada Qorshaynta, iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo hadalka iska dabaqaatay, ayaa u mahadnaqay hay’adda World Vision dhismaha ay ku kordhisay cusbitaalka.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Axmed Ciise Xaglotoosiye oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Xanuunkan Fistula waa xanuun aad u daran oo haweenka ku sababa inay bulshada ka dhex baxaan, waa xanuun niyad jab ku rida haweenka, sidaas aawadeed ahmiyad gaar ah ayay noo leedahay xanuntan Borama National Fistula Hospital, waxaana aan ku faraxsanahay inaan xadhigga ka jaro dhisme cusub oo lagu kordhiyay cisbitaalkan, aniga oo aanan marnaba iloobayn in aan u mahad naqo hay’adda World Vision oo cisbitaalkan dhismahan ku kordhisay.
Wasiirka ayaa waxa uu madashaas shahaado sharafyo u taagan dadaalkooda adeegayada caafimaadka, gaar ahaan kan dhinaca Fistulha ah ku gudoonsiiyay saraakiisha hay’adda World Vision.
CODKAHARGEYSA.COM