Maxaad ka ogtahay Waddamada Adduunka ee Aqoonsan iyo kuwa Diiddan Qaranimada iyo Jiritaanka Falastiin?

0
335

135 waddan oo ka mid ah in ka badan 200 dawladood ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa si rasmi u aqoonsan in Qaranimada dawlad madax-bannaan oo shacabka reer  Falastiin leeyihiin, waxaana waddamadan ugu dambeeyey dalka Sweden oo todobaadkii hore si rasmi ah u aqoonsaday qaranimada Falastiin. Tallaabadan ayaa ka cadhaysiiyey isla markaana caqabad dibloomasiyadeed ku noqotay dawladda Yuhuudda oo xoog ku haysata dhulka Shacabka Falastiin.

countries recognize palestineMarka laga yimaaddo Aqoonsiga Dunida ee Qaranimada Falastiin, haddana waxa cirka ku laallan waddan shacabka reer Falastiin leeyihiin oo dhisan, iyaga oo Israel haysato dhulka Daanta Galbeed, Bariga magaalada Quddus iyo Marinka Gaza oo dhulka kale ee Falastiin ka go’an isla markaana Israa’iil go’doomisay, dhulkaas oo ah waddanka Dunidu u aqoonsatay inuu yahay Dal shacabka Falastiin leeyihiin. Waxa intaas dheer, in sii socoshada deegaamaynta Isra’il ka waddo Daanta Galbeed ay caqabad hor leh ku tahay Su’aasha layska wedyiin karo dhismaha Qaran lugihiisa ku taagan oo Falastiin leedahay.

Sida aad khariiradda ku aragto, waddamada aan Aqoonsanayn jiritaanka Israa’iil ayaa ah dalal ka tirsan Midowga Yurub iyo Saaxiibada Maraykanka oo aan doonayn in go’aanka Aqoonsigoodu galaafto xidhiidhka iyo danaha saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Maraykanka oo Isra’iil la safan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Jaziiradaha ah ee ku yaala Badweynta Pacific, sida Kiribati iyo Nauru.

CODKAHARGEYSA.COM