Makhaayada Inanta iyo Micnaheeda Miisanka Nolosha – W/Q: Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun

0
408

Guud ahaan haddaba marka la maqlo magaca Makhaayada Inanta waxaa hubanti ah in badi bulshada qeybaheeda kala duwan si fiican u garan karaan waxay tahay iyo meesha ay ku taal gaar ahaan dadka reer somaliland meelkasta oo ay joogaan.

Walow mararka qaar ay ku soo dhacdo maskaxdooda micnaha makhaayada inanta iyo meesha u magacu ka imid ama salka ay ku hayso?

IMG_2039Kasokow da,yarta marka laga imaado, dadka waaweyn ama intii nooleyd sideetamaadkii wixii ka horeeyey waxaa magacani si weyn u dhex xulay maskaxda da,yarta danbe oo laftirkooda ku bartey goobtan ama meesha ay ku taal oo ah meel inta badan loo maro safarada loogu baxayo gobolada galbeedka somaliland wallow misana aaney ogayn sababta magacan keentay, meesha uu ka imid, cida bixisay iyo waliba inanta la sheegayo lafteedu tay tahay?

Makhaayada inantu waxay ku taalaa duleedka galbeedka hargeisa, iyada oo kanbalka ku haysa dhanka waqooyi ee wadada dheere isku xidha magaalooyinka hargeisa ilaa boorama.

Waa deegaan qurxoon oo ay ku yaalaan meherado ganacsi haba yaraadaane

Waxaa sido kale ka muuqdaa beero daaqsimeed iyo kuwo la fasho.

Magaca Makhaayada inantu wuxu baxay sanadkii 1983 markaas oo ay gabadhi ka furatey meherad qaxwaha lagu cabo ama lagu shaaheeyo isuguna imaadaan dadka lug ley oomanta ah iyo kuwa guuto fardooleyda ah, micnaha dadka xoolo raacatada ah ee daalan iyo kuwa gaadiidka saaran ee danaha ka leh deegaanada iyada ku ag dhow waxaaney ka heli jireen qahwe lagu oon baxo marka la soo galo safar dheer kana reeba socotada daalkii iyo diiftii safarka.

 

Sababaha caan bixiyey waxaa kamid ahaa iyada oo qaxwaha makhaayada yaala ama inantu sameyso ahaa ku dhadhan gaar ah ka le, kuwa kale ee lagu kariyo guryaha ama makhaayadaha la facaa ahaa wakhtigaa waa sida ay i sheegeen dad ka tirsan deegaanka makhaayada inanta taas oo micnaheedu yahay in Alle swc u barakeeyey gacanteeda

Waxaa sido kale marar badan cadaadis kaga iman jiray dawladii markaa dalka haysatey ee uu gadhwadeenka ka ahaa siyaad bare iyada oo lagu eedeyn jiray iney tahay meel ay imaadaan Ururkii SNM ee xoreynta wadanka halgankiisa ku jiray taas oo niyad jab badan ku ridi jirtey inanta laftirkeeda dhowr goorna damacday iney iska xidho laakin u dhabar adeegtey

Goor sheegtu waa 9:30 subaxnimo waxaan ku sii jeedaa dhankaas iyo magaalada boorama, waxaa safarka igu wehelinaya sxbkey Suldaan Ab sufyaan waxaanu dhaafnay kaantarooka beriga hargeisa, waxaa markaas meel aan sidaas nooga fogeyn ka muuqday bidhaanta deegaanka makhaayada inanta. Waxaanu is waydiiney su,aalo dhowr ah oo ku saabsan deegaanka? anagoo sheeko wadaagtii wadana ayaanu gaadhneyba makhaayadii inanta, Nasiib wanaag waxaan deegaanka laftirkiisi kula kulmay Inanta magaceeda dalka oo dhan xooga looga yaqaano balse muuqeeda aan la aqoon! Waa hooyo wajigeeda aad ka dareemayso farxad, waan isku sharaxay waxaanan u sheegay inaan kamid ahay dhalinyarada Somaliland ee in ka badan magaceeda maqleysay 30kii sanee u danbeeyey balse ku faraxsan maanta arageeda.

 

Waxaan ka codsadey iney iga aqbasho codsi ah inaan ka qoro maqaal aan ku baahinayo saxaafada somaliland si aan umada ugu sheego kaalinta muga leh ee ay kaga jirto nolosha bulshada, waaney iga aqbashay. Waxaan ku sii xigsiiyey codsi kooban oo ah inaan sawir la galo? Waxay tidhi dhib uma arko waanan la galay.

Mudo ayaanu bartii ku sheekeysanay waxaaney ii aheyd maalin farxadeed waayo waxaan u arkaa iney tahay qof buuxisay kaalintii dhankeeda kaga banaaneyd baahida nolosha bulshada micno weyna ugu fadhida taarikhda dalka gaar ahaan haweenka Somaliland.

Inanta la sheegaa, hadda waa hooyo sidaan sare ku soo xusay

Magaceedu waa: Shugri Xamse Jaamac, waxay caruur leedahay laba wiil iyada oo gurigeeduna ku yaalo isla deegaanka ay aasaastey iyadu.

Haddaba Hooyo Shugri waxay baal dahab ah ka gashay taarikhda somaliland ilaa iyo intey nooshahay iyo marka ay dhimataba waxaaney la timid aragti fiican oo ay ku meel marisay hankeedii iyo hadafkii ay ka laheyd nolosha.

Waxay qaaday talaabo ay ku raadsaneyso arsaaqad xalaal ah iyo shaqo iyadu ay abuuratey oo ay kaga maarantey iney shirkad iyo shaqsiba waydiiso shaqo. Waxay heshay magac weyn oo waxay maanta kamid tahay dumarka ugu magaca weyn Somaliland, waxay heshay manfac oo waxay kamid tahay dadka ay ka go,do talada deegaanka ay dagan tahay iyada oo Madax maamus gaar ah leh ka dhex ah deegaankaas.

waxaad haddaba arkeysaa mararka qaar dhalinteena oo ka cabaneysa camal la,aan baahsan badhkoodna ku qasabta iney ka tahriibaan wadanka. Waxaa tusaale nool inoogu filan Hooyo Shugri

Dabcan hooyo shugri may wadan shahaado jaamacadeed iyo aqoon weyn oo ay ku abuuri karto shaqo, balse waxay sideeda uga shaqeysiisey maskaxdii Alle swc ku abuuray iyadoo lagu ilhaamiyey waxay maanta wadanka u qabatey.

Waxaa hubaal ah in dhalinyarada Somaliland oo dhan badankoodu wataan shahaadooyin jaamacadeed balse aaney garan Karin sidii ay ku abuuri lahaayeen shaqo.

Qofkastaba waxaa u kamid yahay tiirashada ay bulshada ku dhisan tahay gaar ahaan inta aqoonyahanka ahķ iyagu waxa laga sugayaa samata bixinta balaayo kasta oo wadanka ku timaada Alle inaguma keenee waayo waxaa la bidayaa aqoon, aragti, iyo waliba amaano, balse taasi inta badan ma dhacdo oo waxaad moodaa in dhalinyaradu sugeyso oo kaliya iney ka shaqeeyaan xafiis iwm.

Wiil iyo gabadh kolba kaad tahay waxaanu kaa sugeynaa haddii aanu nahay bulshada wadanka, inaanu intifaacno aqoontaada oo aad noola timaado wax aad ku gasho taarikhda

Bal isku day inaad abuurto wax ay bulshadu xoog ugu bahi qabto qarwaaqsatana awooda Alle scw ku siiyey iyo shaqsiyadaada qiimaheeda

Qormadeydan maantu waxay kow u tahay qormooyin si joogto ah aan u soo gudbin doono kana qori doono qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan kuwa buuxiyey kaalmihii ka banaanaa kagana beegnaa dhankooda baahida bulshada waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkeyga bayd kamid ah maansada galiilyo ee  Abwaan Weedhsame

 

Qofbaad tahay guul abuura,

Qofbaad tahay guri yagleela,

Qofbaad tahay gar ahaantaa ku gaajo baxoo iskeena,

Gankaa kuma dheera caaro,

Aqoontadu ma gaabna,

Ma gaagixin aayahaagu,

Dadkaaguna kuma giriifin,

Dalkaagana kama go,aysid,

Galbeed yurub kuuma yeedhin,

Giriiguna kuuma baahna,

 

Haldoor Barkhad 

Lataliyaha Madaxweynaha SomalilandJama Hirsi Batuun

Hargeisa Somaliland

Email: Barkhad909@live.com