Allaybaday, Somaliland November 5, 2014 (Codka Hargeysa) – Mashaariic laga hirgeyliye degmadda Allaybayday ee gobolka gabiley oo dhinacyo badan laga fuliye, waxana shacabka Allaybaday amaan u soo jeediyeen xukuumadda gadhwadeenka ah ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay horumarka dhinaca wadooyinka,waxbarashada,caafimaadka iyo dhamaystirka dhismaha guriga martida eek u taala deggmada Allaybady. Iyagu sheegeen inay xukuumadan hada talada haysaa hirgalisay isla markaana ay si gaar ah ugu xasuusan doonaan.
Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Keyse Muxumed Ibraahim (Meegaar), gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Allaybaday Mukhtar Muxumed Boos, maamulaha Dugsiga Sheekh Axmed Qaalib ee Degmada Allaybaday Axmedqani Sheekh Muxumed Boon Iyo Oday dhaqameedyo uu ka mid yahay Maxamed Aamin Cigaal oo ka hadlay guud ahaan waxqabada muuqda ee degmada Allaybaday ka hirgalay mudadii ay xilka haysay Xukuumadani ayaa si weyn ugu mahadnaqay Xukuumada Maanta Talada Haysa ee uu hogaaminayo Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sida xilkasnimada leh ee ay uga dhabaysay balan qaadkii ay u samaysay Shacabka Degmada Allaybaday iyagoo si gaar ah uga hadlay jidka laamayga ah ee gacanta lagu hayo ee isku Xidhaya Allaybaday iyo Arabsiyo,Guriga martida degmada Allaybaday oo hada farta laga qaaday,Dayactir iyo dhismayaal lagu soo kordhiyay dugsiyada waxbarashada degmada iyo dhakhtarkii degmada oo dhismihiisa hada la bilaabayo.
Waxa ay masuuliyiintan oo ay soo agaasimeen maamulka degmada Allaybaday iyo oday dhaqameedku warbixintan ku soo bandhigeen doraad iyagu ku sugan magaalada Allaybaday oo ay booqdeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, waxa sidoo kale warbixino halka ay marayso dhismaha wadada uu dhexaysa magaladda allaybaday iyo arabsiiyo hawl wadeenada jidka dhismihiisa gacanta lagu hayo. Waxa ay hawl wadeenadan oo markaa ku sugnaa goobta shaqadu ka socoto ay warbaahinta u sheegeen inay imika dhamaystireen carro-tuulkii ama carro kaawihii ilaa 8-km oo sugaya uun in dhaamuurki lagu shubo, halkaa caro tuulka dhigistiisiina ay ku sii dhawdahay magaalada Tincada oo 18-km woqooyi xigta Magaalada Allaybaday.
Waxa kalo ay hawlwadeenadu xuseen inay imika cagtu u degtay oo ay khibrad badan oo aanay hore uu lahayn ka heleen dhismaha wadada, islamarkaana ay suuragal tahay in wakhti yar lagaga faraxasho dhamaystirka jidkan.
Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Keyse Meegaar ayaa sheegay inuu dhan yahay guriga martidu oo ay imika u hadhay go’gashii, waxa kale oo uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dhakhtar oo ay yeelanaysoo degmada Allaybaday oo hada qorshahiisu socdan.
Sidoo kale, waxana isna warbixino kooban naa siyee gudoomiyaha waxbarashada degmada allaybaday Mukhtaar Boos oo sheegay in doorkan waxbarashada degmadu meel fiican marayso. Waxa kalo uu sheegay in dayactir lagu sameeyay dugsiga H/dhexe ee ugu weyn sheikh Axmed Qaalib oo lagu kordhiyay shan qol oo cusub halka dugsiyo kalena laga hirgaliyay tuulooyinka hoos yimaada degmada Allaybaday.
Caaqil Maxamed Aamin Cigaal oo ka mid ah cuqaasha ugu caansan degmada Allaybaday ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxqabadka muuqda laga fuliyee degmadda Allaybaday ay ka dhaxashay xukuumada madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “markaan ka hadlo waxqabadka Allaybaday loo qabtay, iskuulkii waad aragtaan sida dayrkan weyn ee loo sameeyay, fasaalyadii loo dhisay ardayda oo runti samayn weyne ku yeelanayso waxbarashadoda mustaqbal ahaan waa horumarka degmada u soo kordhay weeyi,guriga martida markii uu gudoomiyahani yimid wuxuu ahaa guri qabyo ah oo seeska uuni taagan yahay,maantana quruxdiisa waad aragtaan,sidoo kale horumar badan oo kale ayaa Allaybaday laga hirgaliyay sida jidkan laamayda ah iyo bilicda magaalada oo hada gacanta lagu hayo.”
Guud ahaan shacabka Reer Allaybaday ayaa u riyaaqsan horumarka ay la kawsatay Degmadoodu Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyagoo isku arka inay Xukuumadani guday abaalkii ay shacabka reer Allaybaday gashadeen wakhtigii ay kursiga u taramayeen.