Maamulaha Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar Xaflad Sagootin Ah Uu Sameeyay Arday Iyo Wasiradda Waxbarashada Oo Ka Qeyb-gashay

0
378

Hargeysa, Somaliland November 5, 2014 (Codka Hargeysa) – Maaamulka, macaliminta iyo ardayda dhigta Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaaladda Hargeysa ayaa xaflad balaadhan oo si heer sare loo soo agaasimay maalintii Shalay lagu sagootinaye ardaydii ka baxday sannad dugsiyeedkan 2013/2014 ee dugsiga sare ee faraax oomar.

Maamulka Dugsiga Sare Ee Faarax Oomaar 1

Xafladan sagootinta ah oo ka qabsoontay barxadda dugsiga Faarax Oomaar ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case), Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Da’uud Axmed Faarax, Marti-sharaf, Waalidiin, macalimiin iyo sidoo kale Ardayda wax ka barata Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar kuwaasi oo dareen farxad leh ku sii sagootiyay ardaydii sannadkan ka baxday dugsigaasi

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha dugsiga Faarax Oomaar Axmed Cabdiraaxmaan Warsame, waxaana uu xusay heerkii waxbarasho ee ardayda ay sagootintan uu qabteen, sidoo kalena wuxuu ka war-bixiyay guud ahaan marxaladda uu marayo dugsiga Faarax Oomaar.

Maamule Axmed Cabdiraxmaan Warsame ayaa ku hambalyeeyay ardayda ay sagootiyeen dedaalkii ay la yimaadeen, waxaanu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan oo ay ka gaadhaan waxbarashadooda. Wasiirka wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre  Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadal kooban xafladaas ka jeedisay ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin u dirtay ardaydii sannadkan dugsigan ka baxday ee imtixaanka u fadhiisatay xafladan loo qabtay oo tiro ahaan 298 oo arday ahayd, waxay si gaar ah Wasiir Samsam ugu hambalyaysay maamulka, macalimiinta dugsiga wax-qabadka iyo horumarka ka muuqata ardayda wax ka barta dugsiga, waxaanay dugsiga Faarax Oomaar ku tilmaantay inuu ka mid yahay dugsiyada ay wasaaradda Waxbarashadu ku faanto horumarkiisa iyo tayada ardayda ka baxda oo aad u heer sareeya.

Waxay kale ku boorisay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dhigataba inay halkaa ka wadaan dedaalka si ay tusaale ugu noqdaan dugsiyada dhigooda ah ee tayadoodu hoosayso, iyo sidii ay kaalin muuqata doorka dambe ay uga gali lahaayeen imtixaanka Shahaadiga ah.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay xaflada sagootinta ah, waxaanay ardayda ka baxday dugsiga Faarax Oomaar u rajeeyeen mustaqbal wanaagsan inay ka gaadhaan waxbarashadda. Ugu dambeyntii maamulaha dugsiga iyo macalimiintii ayaa shahaado sharafyo lagu maamuusayo dedaalkooda iyo kartidooda la guddoonsiiyay.