Dalka Laba Halaga Qabto Siyaasi Qabyaaladiiste Ah Iyo Suxufi Soomahal Haadsan!

0
428

“Waxaynu nahay ummad tashatay oo go,aan midaysan qaadatay Somaliland waxay soo martay burburkii iyo halaagii uu naxariis laawihii siyaad bare u geystay, markii ay taasi kasoo toogtay waxay hadana gashay marxalad reer reer, xaalkuna halka uu gaadhay ninkii joogay maalintaas looga sheekayn maayo,  dalku waxaa uu soo maray inaan dib qalinka dadka ugu xasuusiyo waa laga qurux badan yahay balse waxaan dareensiinayaa  kuwa aan ka war hayn  ama ilaaway wixii laga soo doogay.

Ilaahay mahadii Somaliland maanta meel wacan ayey maraysaa Dawlad baan haysanaa qurux badan oo sharaf leh karaamadii umada iyo cisigii wadaka kor u qaaday, waxaan haysanaa Madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa duurka usoo galay soo maray maalmo qadhaadhaa oo nafta meel layska dhigay, Axamdulilaah maantana haduu umadan hogaanka u hayo.

Dadku waa garan karaa waayaha lasoo maray iyo halka maanta geediga lagu yimi inay tahay laba aad u kala fog balse waxaa halkaasi soo gaadhsiiyey dedaal dheer iyo wada jir ay umadani kusoo caano maashay, waxaan ildheer iyo mid gaaban iskaga eegi jirnay cadawgeena, balse waxaa beryihii danbe aad moodaysaa in cadawgeenii uu noqday kuwii aan moodaynay inay dadkeenii yihiin aan ku hanweynayn inay hogaamiyaan dalkan mustaqbalka waxaa se la yaab noqotay markii  iyagii ka dareen cadawgii , taasi waxaan odhan karnaa waa nasiib xumo.

Dalka maanta laba ayaa waalay ee halaga qabto  waa siyaasi qabyaaladayste ah oo doonaya inuu Kursiga ku fuulo qabyaalad siyaasadaysan  isagoo salaan ka dhiganaaya kuwo wax magarto ah  sidaasna uu doonayo inuu dalka ku maamulo hadii uu qabsado ilaahay baan kaa ka magan galnay, waxaan ka xumahay kuwa sidaa  ku badhi taaraya ee leh halyey baad tahay  hada isagaaba ka daran kuwa cadawgeena ah.

Waxay ila tahay aniga marka aad doonayso inaad siyaasi noqoto  marka hore waa inaad indheer garad noqotaa kana shaqaysaa samaanta dadkaaga, waa inaad kelmada aad tidhaahdaa dalkaaga iyo dadkaaga midna aanay waxba u dhiman ee ay soo jiidataa , kuna jeclaysiisaa dadkaaga ileen waa kuwa aad siyaasiga u tahay waa iyaga kuwa  aad doonayso inay ku doortaan hadhawna aad  maamusho, { Somaliduna waxay ku maah maadaa wadaantii isha ka qaloocataa falykay la tagtaa } ta labaadna waxaa weeye mid wariye isku sheegaya oo waxa uu ugu yeedhay warbaahin jeebka ku sita islamarkaana aflagaadeeya madaxda iyo dadka marka lala xisaabtana tamar daran oo cabanaaya maka horena wuxuu leeyahay hadaan nahay reer hebel  war maad iska joogtaan maxaa idin dhibay.

Kuwa dadka isku diraaya eel eh waxaan nahay siyaasiyiin leh han murashaxnimo  kurisiga laguma raadiyo xumaan iyo cay iyo qabyaalad ee waxaa lagu raadiyaa wanaag tab iyo siyaasad xeeladaysan iyo qorshe barnaamij siiyaasadeed wax qabad mustaqbalka, se waa idiin sharaf dhac inaad maanta ku taamtaan hadii aanu nahay reer hebel waxaan smayn doonaa sidaa ilmaderayaal ragiina sidaa u hadlayaa haweenkiina maxaad u malaysnaysaan raga Somaliland hadii ay siyaasada maamuli kari waayaan ogaada booskaa dumarkaa buuxin doonee.

 

Wa bilaahi tawfiiq

Ms. Ugbaad Jalaqsan

ugaabjalaqsan@gmail.com

Oslo Norway