Buuqa!!! Warbaahinta gaarka loo leeyahay S/land Ma Dhiilaa mise waa Dhako kale? Qalinkii: Suleiman Ismail Bolaleh

0
383

Maalmihii u danbeeyay waxa mar qudha is bedelay siiqadii Warbahineed ee Telefishanka gaarka loo leeyahay HCTV iyadoo dawadayashu dareemeen siiqad ka adag kana kulul in uu bilaabay HCTV marka loo eego tii ay daawadayaashuga barteen sanadihii ugu dambeeyay waliba waxa aad Warbaahinta HCTV looga dareemay in ay si gaar ah weerar ugu yihiin xukuumada.

Waxa markiiba siiqada kululaatay xigtay wariyihii HCTV ee Gabilay oo Badhasaabka Gabiley xabsiga u taxaavay. Maalin kadibna waxa mar kali ah dadwaynuhu ku war heleen iscasilaad degdeg ah oo Tafatirahii Guud ee HCTV Abdilahi Omar Wayab oo ahaa suxufi waynoo rugcadaa ah uu shaqadii Telefishanka uga tagay. Maantana mareegaha qaar ayaa warinayay in wariye magaalada Garadag uga soo warami jiray HCTV xukuumadu xidhay. Waxa Intaasi dheer warar aan la xaqiijin oo suuqyada caasimada si wayn maalmahan u danbeeyay u xulayay kuwaasi oo tibaaxayay in Mulkiilaha Telefishanka HCTV uu sababo ilaa hada aan la garanaynin Xarunta Guud ee Telefishanka HCTV oo haatan ku taal caasimada Hargeysa ugu rarayo magaalada Naroibi ee dalka Kenya.

Isku soo duuduuboo arimahan ma la odhan karaa waxay bilow u yihiin dagaal adag oo u bilowday ilaa hada inta muuqata ee la arki karayo Mulkiilaha Telefishanka HCTV iyo mucaarid haatan qarsoon oo dhinac ah iyo Xukuumada madaxwayne SIILAANYO oo dhinaca kale ah?

Wali si dhab ah looma ogaan labada dhinac halka ay iska qaniineen ee sartu ka qudhuntay balse war jiraaba cakaaruu iman maalnaha iyo todobaadyada soo socda. Inkastoo aan hubo waxa la isku qabtay hada in aanay shuqul ku lahayn dhibaatooyinka argagaxa leh iyo burburka qoysaska Soomaaliyeed dhaqan xumada iyo burburka qoysaska Soomaaliyeed ee ay sababeen Filimada Afsoomaaliga ah ee Telefishanka HCTV sii daayo, shaki kuma jiro in uu dhiiri galiyo dhaqamo aan bulshadeena waligeed lagu arag tusaale ahaan gogol dhaafka. BARIGII hore dalkeena ragu waa racabiri jiray, Tiro male inta haween da’yar ragii ay u dhaxeen ka tacabireen oo qaarkood 10 sano iyo wax la jira ka maqnaayeen oo aan haweenkaasi xumaan iyo uur toona lagu sheegin. Maanta xaqiiqadaasi dalkeen dhexdiisa waa ay is bedeshay.

10kii sanadood ee ugu dambeeyay GOGOLDHAAFKU bulshadeena wuu ku soo badatay waxana 100% u sabab ah Filimada musalsalada ah ee habeen kasta ay baahiyaan. Tusaale yar Filimkii Muhanad ee Turkiga ahaa ee HCTV baahin jiray fariinta uu siday waa wiil yar oo sabool ah oo guriga adeerkii ku soo koraya xidhiidh hoose oo qarsoodi ah oo xaga galmada ahna la leh oorida adeerkii qabo. Arinta uurkutaalada leh ayaa ah in haweenkeena yar iyo wayn ay filimadaasi afsoomaaliga ku turjumani baraan qaabab iyo siyaabaha haweenayda xaaslayda ahi u khiyaamayn karto ninka qabo. EEBE AYAA CEEB OO DHAN KA NASAHAN.

 

Guntii iyo gabogabodii, waji kasta ha yeelatee is-casilaadii lama filaanka ahayd ee suxufiga caanka ah Abdilahi Omar Wayab uu kaga tagay xilkii Tafatiraha Guud ee.HCTV waxay daaha ka rogaysaa farogalinta Mulkiilayaasha Warbaahinta gaarka loo leeyahay ay ku hayaan Saxaafada xorta ah/madaxabanaan ee Somaliland.

 

Shaki kuma jiro in farogalinta noocan ahi ay dhaawacayso madaxbanaanida fikirka iyo xuquuq dadwaynuhu u lahaayeen in ay saxaafada ka helaan warar iyo xogo run ah dhexdhexaada oo si kasta iga madaxbanaan dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

 

Waxa kaloo ay dhabarjab ku tahay sumcadii guud ahaan warbaahinta Somaliland ay dunida ku lahayd, marka mid ka mid ah Telefishanada ugu caansan dunida oo dhan kuwa ku hadla afka Soomaaliga sida HCTV oo kale uu ka badbaadi waayo faro galinta Mulkiilahii iska lahaa.