Wasaaradda Deeganka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Isu Baddeshay Goob Shir Beeleed – W/Q: By Muuna Xassan

0
349

Marwo Shukri Baandare oo Durba Qaadatay Suntii Siilaanyo ee Kala Qaybinta Bulshada!

 

Waa Maxay Qabyaaladi?

Ku-dhaqanka afcaasha iyo ablayaasha taban ee qabiilka ayaa la yidhaahdaa qabyaalad. Qabyaaladdu waxay timaaddaa marka qabiilka loo isticmaalo wax kasta oo ka soo horjeeda sifooyinkiisa wanaagsan. Dhanka togan ee qabiilku waa ula jeedka xaqiiqiga ah ee Alle u abuuray. Haddaynnu si kale u nidhaahno, qabyaaladddu waa u adeegsiga magaca qabiilka dano gaar ah oo aan bulshada midayanin. Sidoo kale, qabyaaladdu waa marka magacyada qabiilka loo isticmaalo kala sarraysiinta bulshada, kala faquuqidda, kala qoqobka, iyo isliidka bulshada dhexdeeda ah. Qabyaaladdu waa marka aad laba qof ku kala dhaweysato ama ku kala jeclaato abtiirsiimada. Waxaan odhan karaa afcaasha ama ablayaasha taban ee qabiilku waa danaysiga qabiilaysan (Danta ku dhisan anfac-siinta qabiil gaar ah), is dulleynta reeraysan (bulshada oo loo kala sarraysiiyo hayb ahaan), is colleysi iyo cadaawad ku salaysan abtirsiinyo hayb-hayb ah.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Wax la qariyo Qudhun ayaa ku jira”. Akhriste, mar-marka qaar ayaad la yaabaysaa marka aad aragto heerka qabyaaladda ee ka jirta Somaliland. Iyada oo la og yahay in aanay qabayaaladu dadka iyo dalkaba u wanaagsaneyn, ayaad hadana arkaysaa wasiirradii xukuumadda Siilaanyo badankoodii oo la odhan karo waxay ku tasbiixsadaan waa qabyaaladda marka la eego sida ay ugu dhaqmayaan iyo sida umaddu ugu hanweyneyd markay xilka qabanayeen ka hor.

Hadaba waxaan doonayaa in bulshada reer Somaliland ay ila eegaan horta sidey xukuumadda siilanyo ku timi. Siilaanyo waxa lagu doortay caadifad qabiil umadda dooratayna waxay u qaybsanaayeen laba qaybood;  qayb dhalinyaro ah oo aan ogeyn tariikhda Siilaanyo iyo dad si fiican u yaqaaney laakiin rumaysna in uu dhaami doono sidii uu qabyaaladda ku ahaan jiray markii uu ahaa guddoomiyihii SNM.

Haddaba, akhristow, sideebay suurto-gal u tahay  marka uu Siilaanyo u caddaalad u samayn waayey jabhadii yareed SNM isagoo xilligaasi cibrigiisa ama da’diisuba ay ka yarayd halkan uu maanta taagan yahay, caafimaad ahaanna uu ka wanaagsanaa xiligaasi, in uu Siilaanyo u caddaalad sameeyo bulshada Somaliland taaso suurto galisey in wasiirradiisana  waddaduu u jeexay ay raacaan taasoo aad ka dheehan karto Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga oo markay ka tirsanayd ururrada bulshada ahaydd qof bulshada ku dayato ahaana qof caddaalad u sameeya bulshada ay ku dhex nooshahay. Hadaba waxaan nabad iyo caano ahayn waa lakala qaadaa qofkii ixtiraamka bulshada ka mudnaa waxay isu beddeshey qof xag jir ku ah nidaamka qabyaalada waliba ay bara dheereysay kuwii kusoo caano maaley. Haddii aanu sii gudo-galo sida ka muuqata Ciiwaanka maqaalkayga, waxa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga,  waxa la sheegay in ay shaqaale tiro badan oo ka soo jeeda beesheeda ka shaqaaleysiiyey Wasaarada qaybaheeda Berbera, Burco iyo Hargeysa weliba wuxay ku darsatay in ay gunooyin aysan qaadan shaqaalaha kale u qorto shaqaalaha ka soo jeeda beesheeda, arrintaasi oo cadho badan ku abuurtay shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda ee  kadib marka ay arkaan sida wasiiraddu wax u wado taaso ka dhigtey wasaaradda mid magac u yaal ah, shaqadii ay qaban jirteyna ay la wareegeen hay;do maxalli ah iyo wasaarado kale. Tusaale ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland loo sameeyay waxaa wasaarada ugu jirey mashaariic badan sida labada ban ee ku kala yaala Hargeisa iyo Burco (Qoolcadey iyo Aroori) oo ay la wareegtey Wasaarada xanaanada xoolaha taaso ay suurto galisey aqoon la’aanta shaqaalaha wasaarada oo inta ugu awoodda badan lagu keenay hab qabyaaladeed iyo guddida wasaaradda oo badidoodu ay u badan yahiin dad la hayb ah wasiiradda iyo dad ay xigto ahaan ku keentey taaso marka ay shirayaan shaqaalaha wasaaraddu ay ku kaftamaan shir-beeleed baa ka socda wasaaradda.

Waxyaalaha lala yaabey ee wasaaradda ka dhacay waxaa ka mid ah in maalin maalmaha ka mid ah ay wasaaradda ku dagaalameen labo hablood oo midi wasiiradda isku reer yohiin midna kasoo jeeddo beesha Baligubadle taaso oo ay wasiiradda toos usoo faragalisey amar toos ahna ku bixisey in inanta reer Baligubadle la xidho dibna ayna wasaaradda usoo galin isla maalintii ku xigtayna guddidii wasaaradda ee ka koobnaa xigtada wasiiradda amar ku bixiyeen in shaqada laga joojiyo,  taaso ilaa iyo maanta ay inantii reer Baligubadle wasaaradda dibadda ka joogto halkeediina lagusoo beddeley inan wasiiradda isku reer yahiin.

Hadaba  xukuumadan siilaanyo oo la odhan karo waxay astaan u tahay boobka, eexda, qabyaalada, musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiilka, waxay dalka kaga tegaysaa taariikh madaw oo ku taala xukuumada si gaarana ugu sii taala shakhsiyaadka u qaatay inay xukuumadani ku waarayso xukunka ee wax kasta oo ay doonaan samaynaya oo xitaa doonaya inay kala qaybiyaan umadda, tana waa mid ka mid ah casharada u laqimo horjoogaha kooxdan, waxaasina waxay dadka faaqida arrimaha siyaasaddu ku tilmaameen inay tahay kala-qaybintii Siilaanyo caanka ku ahaa xiligii uu gudoomiyaha ka ahaa jabhadii SNM, Xiligaasi oo jabhadu guuleysan weyday ilaa laga qaado xilaka Siilaanyo. Markaa dad badan ayaa aaminsan in aysan Somaliland hore u soconeyn ilaa xilka laga qaado Siilaanyo iyo tiimkiisa ku caanka ah kala qaybinta bulshada.

By Muna Xassan Axmed

muunaxasan@gmail.com