Agaasimaha Waaxda Dakhli Ururinta iyo Cashuuraha Oo Baaq Uu Direy Dadweynaha Ku Dhaqan Caasimadda Hargeysa

0
793

Hargaysa, Somaliland November 1, 2014 (Codka Hargeysa) – Agaasimaha waaxda dakhli ururinta ee Dawladda hoose ee Hargaysa Mr. Yuusuf Sooraan ayaa baaq uu soo jeediye shacbiga ku nool cassimadda Hargeysa, isagu sheegay inta sanadka ka hadhay ay ku soo bixiyaan cashuuraha ku hadhsan.

Sidoo kale, waxaa kalo uu sheegay agaasimaha waaxda dakhli ururinta iyo cashuuraha dowlada hoose lagu dhirii gelinaya bulshada caasimada ku nool in ay bixinta cashuuraha kala duwan ee sida sharcigeenu uu qeexayo, halka ay ku kala bixinayaan xarunta dowladda hoose ee caasimadda ee degmo ahaan.

Waxa kalo agaasime Yusuf Sooraan sharaxad dheer ka bixiyee nidaamka cashurtaa dowladda hoose ay bixisoo iyo sida ay uu kala mudan yihin cashuuraha oo uu sheegay inn dadweynaha ku dhaqaan magaladda Hargeysa laa fahamsiyo laguna dhirii geliyo ilaalinta bixinta cashuuraha oo mamulkaa dowladda hoose heeganka ugu jirto. Waxana baaqa uu agaasimaha waaxda dakhli ururinta iyo cashuuraha dowladda hoose Hargeysa uu dhigna sidan:

“Cashuurtu waa astaanta dowladnimo oo hormood uu ah horumaarka iyo dhismaha dowladnimo iyadu Sharciga uu jiddeeyo bixinteeda, taasoo lagu daboollo bahiyaaha kala duwan ee lagu hormaariyo magaloyinka. Sidaa-daraadeed waxaa muhiim ah oo ilahay loogu mahadiyo in dadweynaha caasimadda Hargaysa ku dhaqani ay fahmaan muhimada ay hambaarsan tahay bixinta Cashuur maalmeedka, Cashuur sanadeedka, iyo Cashuuraha kale ee ku waajibay oo kaalin wayn xil balaadhan iska saaraan.

Labadaa qoddob ann uga mahadnaqaya dadwanaha sharafta leh sidaa xilkaarsnimo ay isu xiil qamaan bixinta cashuurta sanadlaha ah ay gadhay biliihi dabyaaqada sanadka inn ay mudada ka hadhsan iska soo bixiyan wixi cashuuro ah. Waxa kalo ann uu raacin lahaa oo aan fursadan kaga faa’idaysanayo inn ann cashuraha kala duwan ay dowladaaha hoose qaadan sidaa ardayada guryaha, jagooyinka banan iyo meheradaha ganacsi kala duwan ee caasimada ku yaala.

Waxa kalo ann dadweynaha sharafta leh ann bandhigeya wakhtiyadda kala duwan ay bixin karan cashurta oo ah sanad kasta oo cusub horaantiisa ama dabyaaqada ee bisha lixaad sanad walba, halka hantida ma guurtada ah ee iyaduna mamulka dowlada hoose sharcigu sinayo inay qaado cashurta sidaa guryaha kiraysaan bil walba shanteeda, halka cashuur maalmeedyadana anuu qaadno subax kasta oo ay shaqaalaha dowladda hoose ka soo ururiyaan magaladda.

Waxaan ugu mahad-naqayaa cashuur bixiyeyaasha cashuurtoodii sharcigu ku waajibiyey soo bixiyey bilihii hore ee sanadkan, sidoo kale waxaan aad ugu mahadnaqayaa cashuur bixiyayaasha wakhtigan cashuurta dowlada hoose ee caasimadu ku leedahay ku bixinaaya heer degmo iyo xaruntaba” Agaasimaha Waaxda Dakhli aruurinta ee Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargaysa.

Ugu dambayn dhammaan dadwaynaha caasimada deggan ee dibad-jooga ama dalka gudihiisa jooga ee lagu leeyahay Cashuuraha kala duwan ee ay ka midka yihiin Ardiyadaha dhismaha, Ardiyadaha dhulka banaan IWM lalaa socod-siinayoo inay iska soo bixiyaan inta bishan November lagu jiro haddii ALLE yidhaahdo.” Sidana waxa yidhi agaasimaha dakhli ururinta iyo cashuuraha dowladda hoose Hargeysa Yusuf Sooraan.