Hargaysa, Somaliland October 30, 2014 (Codka) – Laybareeriga Gaandi oo ay Hore Xukuumadu Albaabada ugu laabtay Kana iibisay nin Ganacsade ah, ayaa manta ka dib wada hadalo ay dhex mareen ururada dhaliyaarta ee Akhriska buugagta iyo Daladda Dhalinyarta Somaliland ee SONYO dib loo furay maktabaddi GANDI Public Library.
Ugu horeyn waxa maktabadda Gandi Public Library horteeda ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Ururka Qoraalka iyo Akhriska Somaliland ayaa cadeeyey in Fureen maktabadii Laybareeriga Gaandi, isla markaas ay imikan karaan bahdii waxbarashada ee ku xidhnayd.
Sidaasna waxa ay ku shegeen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Laybareeriga Gaandi Hortiisa,waxaana ugu Horayn ka hadlay Xog-hayaha Guud ee Ururka Qorayashaa Somaliland Saddaam Xuseen Carab waxaana uu yidhi:
“Halkan Runtii Waxaanu iskugu Nimid Arin Suuqa ku jirtay Baryahan Oo la xidhiidhay Maktabada Gaandi,Halkana waxa ku sugan Ururka Qorayaasha somaliland Dalada Guud ee dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo,Ujeeda ugu wayni waxa ay tahay inaanu waan waan ka galno waxna ka qabano Laybareeriga Gaandi oo la sheegay in Nin gaar ah lasiiyay,Arintan waanu ka hawl galnay waxaanan u tagnay wasiirada waxbarashada somaliland Iyana Hawshan xil wayn ayay iska saartay Aakhirkiina waxa ay ku dhamaatay Is afgarad buuxa.
Saddaam Xuseen Carab Ahna Xog-hayaha Guud ee ururka Qorayaasha somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi”
“imika Maktabadii Gaandi way furan tahay,waxaana maanta halkan noogu furtay wasiirka wasaarada waxbarashada somaliland oo mahad naq gaar ah naga mudan,waxaanan xukuumada leenahay waad ku mahad santihiin sidaad dareen kayagii nooga ajiibteen.”
Guddoomiyaha Dalada guud ee Dhalinyarada somaliland ee Sonyo Mabaarig Ismaaciil Taani oo isna goobtaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“ilaahay ayaa mahad len inuu marlabaad soo laabto laybareerigii gaandi shaqadii uu u hayayna dhalinyarada somaliland Dib u bilaabo,maantana wuu furan yahay si rasmi ahna wuu u shaqaynayaa,hawl badan iyo dadaal badan oo ay sameyeen Dalada dhalin yarada Heer qaran iyo Ururka akhriska abwaan iyo masuuliyiin isku xil saaray in dib gacanta shacabka usoo celiyaan gaandi ayaa hawshan Dhameeyey,Maantana guul ayay kusoo dhamaatay hawshii aanu isku soo xil saarnayna, waxaanu u mahad naqaynaa cid kasta oo gacan ka gaysatay hawsha laybareeriga gaandi.”
Guddoomiyaha Dhalinyarada somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay”Hawshii iyo dareenkii dhalinyarada somaliland ee aanu u soconay waanu hir galinay waxaanan leenahay Hada wuu shaqaynayaa Gaandi Laybareeri, Shaqadiisiina way socotaa hadana waanagaas hortaagan.”
Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah Hal Abuur madax banaan oo Iyana Goobtaasi ka hadashay ayaa iyaduna tidhi:
“Gudidani waa gudi dhalinyaro ah oo ka kooban 10Qof waxaana ay isku xil qaameen inaanay shacabku kicin iyo dhalinyaradu isla markaas halkaas aanay rabshado ka abuurmin,Sidaas oo ay tahay dawlada lama socon, Masuuliyiinta Laybareeriga lama socon waxaanu nahay Gudi isku xil saartay inaanu dhamayno Khilaafka Laybareeriga Gaandi.”
Yaasmiin waxa kalo intaas ay ku dartay “Ganacsatada waxaanu leenahay intaad bad-sanaysaan Bakhaarada, Waxaad badsataan Maskaxda qofka ku jirta oo idinku intaad dawlada kasoo baxdaan Laybareeriyo kale Noo dhisa, waxaanu leenahay Madaxwaynaha somaliland Go’aan Raga Nimo Leh ayaad ka qaadatay Laybareeriga Gaandi.”
Si kastaba ha ahaatee Maktabada gaandi ayaa siday ay shegeen Lagu soo celiyay gacanta bahda wax akhriska ka dib markii LA Sheegay in ay xukuumadu ka iibisay Nin ganacsade ah.